WARARKA

Daawo :Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay xuska sanad guurada 81-aad ee aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
WARARKA

Daawo :Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay xuska sanad guurada 81-aad ee aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Xuska sannad guurada 81-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hamblyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeerayaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska iyo horumarinta laamaha ammaanka, dib u xoreynta iyo Dimuquraadiyeynta dalka, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya. Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku ammaanan shaqooyinka muhiimka ah ee ay dalka u hayaan, waxaa hortaala mas’uuliyad cusub oo ku aaddan sugidda amniga goobaha do...
Ruushka oo ka cafiyay Soomaaliya ku dhawaad $50 milyan
WARARKA

Ruushka oo ka cafiyay Soomaaliya ku dhawaad $50 milyan

Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay ka cafisay Soomaaliya lacag deyn ah oo ay ku lahayd muddo 40 sano ah, xili dalka uu ku jiro marxlad dib usoo kabasho ah dhinaca dhaqaalaha, amniga iyo dowlad-dhiska, oo beesha caalamka ay taageero ku siinayso Dowlada Federaalka. Lacagta oo gaareysa 48 milyan oo dollar ayaa Soomaaliya waxay ka qaadatey dowladdii Midowga Suufiyeetiga ee ka talin jirtay Ruushka 1984, waxaana tan iyo xiligaas ku socday lacago dul-saar ah oo gaarsiisay heerka maanta joogo ee la cafiyay.
Dheeho👀Wararka Sportiga 👉Guuldarada Man City + Arsenal oo Xaaqday Crystal Palace + Barcelona v Atletico Madrid +
SPORTS, WARARKA

Dheeho👀Wararka Sportiga 👉Guuldarada Man City + Arsenal oo Xaaqday Crystal Palace + Barcelona v Atletico Madrid +

Soomaalida Uganda oo farxad la dabaaldagaya ka dib guushii ciyaartooyda xulka Qaranka ee 17-jirada Somalia oo guul muhiim ah ka gaaray dhigooda Suudaan markii ay kaga badiyeen 1-0 Ciyaar ka dhacday Kampala Dhibaatada Manchester City ayaa sii xoogeysatay markii ay guuldarro kale oo dhaawac ah ay kala kulantay Aston Villa Guuldarada xiriirka ah ee Manchester City ayaa halkeeda ka sii socotay markii Morgan Rogers iyo Jhon Duran ay labaduba shabaqa soo taabteen Iyadoo Aston Villa oo qarisay magaca wiilasha Guardiola ay 2-1 ku garaacday kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League Goolasha Jhon Duran iyo Morgan Rogers ayaa la macno ah jawaabta soo daahday ee Phil Foden ee kooxda martida ahayd waxay ahayd wax yar oo qalbi qaboojin ah. Kooxda difaacaneysa horyaalka ee City aya...
Aston Villa ayaa ku sugeeysa Villa Park sabtida Kooxda Pep Guardiola oo ku jirta Xiliciyaareed aad u xun
SPORTS, WARARKA

Aston Villa ayaa ku sugeeysa Villa Park sabtida Kooxda Pep Guardiola oo ku jirta Xiliciyaareed aad u xun

Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in aanu isku dayi doonin in uu dib u dhis ku sameeyo shaxdiisa ku dhibaataysan suuqa January. Manchester City ayaan isku dayi doonin inay wax ka qabato dhibaatada ay ku jirto qaab ciyaareedka cusub bisha Janaayo, sida uu sheegay tababare Pep Guardiola. Kooxda afarta jeer difaacaneysa horyaalka Premier League ee City ayaa laga badiyay sideed kulan, waxaana ay badisay kaliya hal kulan 11kii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan. Xirmadii la yaabka lahayd ee xilli ciyaareedkii hore Aston Villa ayaa hadda ku sugaysa Villa Park sabtida inkasta oo labada kooxoodba ay soo bandhigeen qaab ciyaareed liita xilli ciyaareedkan. Guardiola waxa uu sheegay in aanu doonayn in uu dib u dhiso kooxdiisa marka la gaadho suuqa January mar ...
Madaxweynaha JFS oo la kulmay wafdi ka socda dalka Aljeeriya
WARARKA

Madaxweynaha JFS oo la kulmay wafdi ka socda dalka Aljeeriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Aljeeriya Mudane Kamel Badari iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka. Madaxweynaha ayaa ka guddoomay wafdigan farriin iyo salaan ay uga sideen Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Aljeeriya Mudane Cabdilmajiid Tabbuune, iyagoo la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda dalkaas iyo sida ay uga go’an tahay Madaxdiisa sare u qaadidda xiriirka ay la wadaagaan Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso horumarinta midnimada iyo isdhexgalka Qaaradda Afrika.
Dagaal culus oo ciidamada DF iyo Al-Shabaab ku dhex-maray Sh/Dhexe
WARARKA

Dagaal culus oo ciidamada DF iyo Al-Shabaab ku dhex-maray Sh/Dhexe

Dagaal qaraar ayaa saaka aroortii ka dhacay deegaanka Xawaadley oo ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo bilowday kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerarreen saldhigyo ay halkaasi ku leeyihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa sheegay in muddaba ay maqlayeen hubka labada dhinac ay isku ridayeen. Warbaahinta Codka Ciidamada ayaa sheegtay in koox ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen in ay soo weerarraan deegaanka Xawaadley balse la fashiliyay weerarkooda, halkaasna looga dilay 18 dagaalame. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in xubno kuwooda ah ay weerarreen aaggaga ciidamada dowladdu ka joogaan deegaanka Xawaadley, isla markaana ay cagta mariyeen dhammaan saldhigyadaasi. Al-Shabaab waxay sheegeen in ay halk...
Why has DRC filed criminal charges against Apple over ‘conflict minerals’?
WARARKA

Why has DRC filed criminal charges against Apple over ‘conflict minerals’?

The tech giant has been accused of sourcing conflict minerals from sub-Saharan Africa. Lawyers representing the Central African country, claimed in a statement this week that Apple’s subsidiaries in Europe are using conflict minerals sourced in sub-Saharan Africa and accused the company of “using deceptive commercial practices to assure consumers that the tech giant’s supply chains are clean The Democratic Republic of the Congo (DRC) has filed criminal complaints against tech giant Apple’s subsidiaries in France and Belgium over the use of “conflict minerals” in their supply chains What are conflict minerals? They are minerals which are typically sourced from high-risk areas afflicted by conflict. The war-ravaged DRC, Sierra Leone and Venezuela are among those countries...
Sadax-Geesoodka Wadashaqeynta Mugdiga Ah, waxay noqon kartaa Maalgelinta Argagixisada
WARARKA

Sadax-Geesoodka Wadashaqeynta Mugdiga Ah, waxay noqon kartaa Maalgelinta Argagixisada

Ruqsadaha kaluumeysi sharci-darro ah ooy Putland bixiso ayaa u muuqda mid Udub-dhaxaad u ah dib u soo laabashada Burcadbadeeda gobolka Waqooyi Bari ee Somalia Iyadoo aan meesha laga saari karin suurtagalnimada dhaqaalaha Madaxfurashada ah ee ay helaan burcadu In uu aadi doono qeybo ka mida gacmaha Daacishta Putland. Burcad badeed xeebaha Putland oo Magaalada Xaafuun afduub ugu heeysta Markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, ayaa dalbanaya lacag madax furasho oo dhan 10-milyan oo dollar iyadoo markabka laf,ahaantiisa ay tahay in wax layska weeydiiyo sida sharciyan uu uga kaluumeeysnayay biyaheena, taas oo dhiirigelisay soo nooleeynta Burcad-badeednimada Maamul-goboleedka Putland oo 7-dii sano ee u danbeeysay aan wax wadashaqeyn la yeelan Dowladda Federaalka Soomaaliyaayaan qarsa...
Daawo : Madaxweyne Xasan oo daahfuray Mashruuca Muqdisha-da Cusub
WARARKA

Daawo : Madaxweyne Xasan oo daahfuray Mashruuca Muqdisha-da Cusub

Soomaaliya oo ka soo kabaneysa burburkii iyo colaadihii ragaadiyay ayaa haatan cagta saartay dariiq dib u dhis iyo rajo cusub oo dhinaca maal gashiga iyo horumarka ah. Waxaa isa soo taraya mashaariicda maalgashi iyo dib-u-dhis ee dalka laga hirgelinayo. Dhawaan ayaa Bankiga Premier ee magaalada Muqdisho waxa uu daah furay mashruuc ay ku kaceyso boqolaal milyan, oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xarigga ka jaray. Maantana mar kale, wuxuu Madaxweynaha Muqdisho ka daah-furay Mashruuca Muqdishada Cusub oo ay ku jiraan dhismaha garoon cusub, oo ah kuwa diyaaradaha iyo dekad qaab casri ah loo dhisi doono iyo goobo amaankoodu la sugo oo shirkadu shisheeye iyo kuwa wadani ahba ay maal gashan karaan Qorshahani waa iskutashi Qaran oo waqti kooban nooga daba geynaya ...
Burcad badeed Soomaali ah oo haysata markab oo dalbaday $10 milyan
WARARKA

Burcad badeed Soomaali ah oo haysata markab oo dalbaday $10 milyan

Burcad badeed bishii hore ku afduubtay markab kalluumeysi, oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay la socdeen 18 shaqaale xeebaha waqooyi bari ee Soomaaliya, ayaa dalbanaya lacag madax furasho oo dhan 10-milyan oo dollarka Mareykanka ah, sida uu sheegay sarkaal Soomaali ah. Afduubayaasha ayaa sidoo kale baraha bulshada ku baahiyey sawiro muujinaya maxaabiista ay afduubteen oo ay ku hareeraysan yihiin rag hubaysan oo saaran sagxada markabka. Markabkan ayaa la afduubtay dabayaaqadii November, waxaana la geeyey degmada Xaafuun ee maamul goboleedka Puntland, halkaasi oo lagu haysto iyo maxaabiistii la qabtay. Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in markabkan ay Puntland siisay ruqsad kalluumeysi 2020-kii, balse ay dhacday ruqsadda. Sarkaalka ayaa codsaday inaan magaciis...