,

Degdeg: Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo Somalia ka qaaday cunaqabateynta hubka !!

Posted by

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo Somalia ka qaaday cunaqabateynta hubka ee mudada ka badan 30_ka sano saarnaa dalka

14 ka mid ah 15_ka xubnood ee joogtada aha ayaa cod gacantaag ah ku oggolaaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka dalka halka Faransiiska uu ka aamusay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed caawa ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka oo saarnayd dalkeena tan iyo 1992_dii

Degdeg: Qaramada Midoobay oo u fadhisa codeynta qaadista cunaqabateynta hubka Soomaaliya

Kulan ay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa loogu codeynayaa in Soomaaliya looga qaado cunaqabataynta hubka ee saarneed mudada dheer.

Wasiiru dawlaha arimaha dibadda Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay dawladda uu ka tirsan yahay dadaalka ay ku bixisay miro ka dhalinta arrintaan.

Sanadkii 1992 dii ayaa Soomaaliya la saaray cunaqabtayn dhanka hubka ah, kadib dagaalo sokeeye oo ka bilowday dalkii markii meesha ay ka baxday dawladii uu hugaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Cusbooneeysiin

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay cod u qaadaan qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimce ah u codeynaya qaadista xayiraadaha haray ee saaran in dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ammaanka ay helaan hub, sida ay sheegeen diblomaasiyiin, in ka badan 30 sano kadib markii cunaqabateynta hubka lagu soo rogay dalka.

Golaha ayaa cunaqabateynta saaray Soomaaliya 1992-kii, si loo gooyo qulqulka hubkii ay halayeen dagaal-oogayaashii xuklunka isku hayay, ee xukunka ka tuuray keligii taliye Maxamed Siyaad Barre, kadibna dagaalka sokeeyey geliyey dalka.

Xubnaha 15-ka ah ee golaha ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah ay ansixiyaan laba qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Britain, sida ay sheegeen diblomaasiyiinta.

Mid ka mid ah qaraarada ayaa ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan, halka kan kale uu yahay in dib loo soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Mid ka mid ah qaraarada qabyada ah ayaa qeexaya in “si looga fogaado shakiga, aysan jirin cunaqabatayn hub oo saaran Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Qaraarka ayaa sidoo kale walaac ka muujinaya tirada xarumaha lagu keydiyo rasaasta ee Soomaaliya, waxa uuna dhiirigelinayaa dhismaha, dib u habeynta iyo isticmaalka bakhaarrada badbaadada hubka ee Soomaaliya oo dhan. Waxa uu ku boorinayaa dalalka kale inay gacan ka gaystaana arrintan.

Al-Shabaab ayaa tan iyo sannadkii 2006 waxa ay waday dagaal ka dhan ah dowladda Soomaaliya si ay isugu daydo in ay sameysato xukun ku saleysan tarjuumadda adag ee Shareecada Islaamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer dalbaneysay in laga qaado cunaqabataynta hubka si ay u xoojiso ciidamadeeda oo ay ula dagaalamaan kooxaha hubeysan.

Reuters

Leave a Reply