Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in la xiro xafiiska UNSOM

Posted by

9- May- 2024

DFS ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in ay joojiso shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), iyadoo tixgelinaysa mudnaanta istaraatiijiyadeed ee dowladda’ Warbixin Dheeho.com

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dowladdu ay ka codsaneyso in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo Howlgalka UNSOM bisha October ee 2024-ka, isla markaana aysan dowladdu mar dambe raadin doonin cusboonaysiinta mandate.

Waxaan jecelnahay inaan ka mahadcelinno taageerada iyo iskaashiga ay noo fidisay UNSOM intii ay shaqeynaysay, dadaalka iyo hawl-karnimada howlgalka ayaa door muhiim ah ka qaatay horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka dalkeenna. ” ayuu wasiirka hadalkisia raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, codsiga dowladda ayaa imaanaya wax ka yar hal bil kadib markii Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Catriona Laing, ay ku dhawaaqday in ay soo afjari doonto muddada sanadka ah ee ay xilka heyso May 21, 2024. Laing waxaa magacaabay 2023-kii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Laing ayaa mudadii ay ahayd Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa ay ahayd mid ka gaaban kuwii ay horay u hayeen, kuwaas oo qaarkood ay xilka hayeen ilaa saddex sano. Sababaha ay goor hore u ambabaxday wali ma cadda

Leave a Reply