Qoor-Qoor & Ergeyga QM oo saddex arrimood oo xasaasi ah ka wada-hadlay

12-May-2024

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabbilay wakiilka xoghayaha Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeyneysa shaqadii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin; amniga iyo la-dagaallanka argagaxisada, arrimaha doorashooyinka iyo qaaybentooda iyo guud ahaan siyaasadda dalka.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafiga la socday Marwo Catriona Lainga ayaa kormeer ku tagay dhismaha xarunta Qarramada Midoobay ee maamulka Galmudug oo meel wanaagsan uu maraaya dhismaheedu.

Catriona Laing ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo ka waday gudaha dalka, kuwaas oo ku macsalaameyneysay madaxda Soomaaliyeed, ayada oo sidoo kale booqasho ku tegtay qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyada, ayada oo wada-hadallo lasoo yeelatay hoggaamiyeyaasha gobollada.

Sida uu horey u shaaciyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Lainga ayaa gaba-gabeynaysa hawsheeda bishan May ee sanadkaan, taasi oo loo magacaabay bartamaha sanadkii tegay ee 2023-ka.

Si kastaba, Qaramada Midoobay oo ay hay’adaheeda ka howl-galaan gudaha dalka ayaa xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyn buuxda la leh dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka.

Leave a Reply