Gudoomiyaha Aqalka Sare oo sharci darro ku tilmaamay meel,marintii Matalaadda G/Banaadir”

Posted by

MUQDISHO –Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka ayaa difaacay kaalinta mugga leh uu ku leeyahay ansixinta sharciyada, waxaana ay sharci darro ku tilmaameen qoraalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka u diray Wasaaradda Dastuurka ee ahaa qaraarka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, iyagoo sheegay in qoraalkaas uu xadgudub ku yahay habraaca xeer dejinta dalka ee ku qeexan Cutubka 6aad madaxa afaraad ee Dastuurka KMG.

TAAJ MONEY TRANSFER AMAANO & ADEEG DAG DAG AH

Sidoo kale Aqalka Sare ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay afarta xeer ee qabyo tirka u ahaa sharciga doorashooyinka Qaranka heer Federaal, haddii aan la waafajinin habraaca xeer dejinta dalka, sidoo kalena ugu baaqay Guddiga doorashooyinka inta laga saxaayo aysan xeerarkaas u isticmaali karin doorashada Qaranka.

Waxaa loo soo jeediyay Guddoonka Golaha Shacabka in sharciyadda matalaada Gobolka Banaadir ay u baahan tahay in loo dhameystiro habraac dastuuriga ah, iyada oo la isla akhrinayo qodobka 9aad ee Dastuurka KMG iyo 12aad (6) ee sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal.

Leave a Reply