Heyadda Hormuud Salaam Foundation ayaa safar caafimaad dalka Talyaaniga ugu dirtay dufcaddii labaad ee carruurta qabta xanuunnada wadnaha

Posted by

5″ May”2024″ Muqdisho

Heyadda Hormuud Salaam Foundation ayaa safar caafimaad dalka Talyaaniga ugu dirtay dufcaddii labaad ee carruurta qabta xanuunnada wadnaha.

Carruurtan oo daweyn iyo qalliimo caafimaad loogu soo sameynayo isbitaal ku yaala Magaalada Milano ee Talyaaniga ayaa qeyb ka ah 119 ubad Soomaaliyeed ah oo ka duleela wadnaha, kuwaas oo wax looga qaban waayay isbitaallada Dalka.

Dowladda Hoose ee Gobolka Lombardia ee Dalka Talyaaniga ayaa bixinaysa kharashaadka caafimaadka, halka hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay bixinayso kharashaadka safarka, sahayda, iyo nolosha carruurta iyo waalidiintoodaa inta ay ku sugan yihiin dalka Talyaaniga.

Maamulka heyadda samaflka #HSF ayaa u mahadceliyay marwo Adna Macallin Cabdiraxmaan oo isu xilqaantay hirgelinta mashruucan oo noqday mid miradhalay.