,

Hormuud Telecom oo sanadkii 2’aad dalka Spain uga qeybgalaysa Shirweynaha Mobile World Congress

Posted by

26-Feb-2024

Hormuud Telecom ayaa sanadkii 2’aad oo xiriir ah qayb ka ah Shirweynaha sannadlaha ah ee Mobile World Congress (MWC24), ee uu soo agaasimay Ururka Isgaarsiinta Moobeellada Adduunka ee GSMA, kaas oo lagu qabtay magaalada Barcelona ee dalka Spain .

Shirkan oo lagu sahminayo mustaqbalka isgaarsiinta dunida ayaa kulmiyay shirkadaha teknoolajiyadda iyo isgaarsiinta ee ugu waaweyn dunida, sida Google, Microsoft, Meta, Huawei, Samsung, Nokia, Cisco, Intel, Dell, Lenovo, IBM, HP, Xiaomi, Ericsson, AT&T, Verizon, T-Mobile, China Mobile, Orange, Etisalat, Vodafone, Telefonica, iyo Deutsche Telkom.

Hormuud Telecom oo sanadii hore ku guuleystay laba abaalmarin oo Afrika iyo caalamka ah ayaa muujisay sida ay ugu taagan tahay horumarinta isgaarsiinta Soomaaliya, Iyo ka   go’anaanshaheeda inay ka qeybqaadato dadaallada ay dunidu ugu jirto horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda, si ay dadka Soomaaliyeed u helaan adeegyada ugu casrisan dunida, ee la jaanqaadaya caalamka maanta.

Leave a Reply