illaalo Hor dhac u Ah Imaanshaha Raysilwasaare Khayre oo Dhuusamareeb Gaaray

Waxaan Goordhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ka degtay diyaarad siday wafdi hordhac u ah Safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya

Wafdigaas ayaa isugu jira howlwadeeno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Ciidankiisa Ilaalada gaarka ah, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, iyagoo loo gabiyay gudaha Magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in gelinka dambe ee Maanta ay gaaran Magaalada Dhuusamareeb, waxaana gudaha Magaalada laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweyntiisa.

Wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maalmaha soo socda furmi doona, kaasoo looga arrinsanayo hannaanka doorashada ee dalku galayo.

Shirkaas ayaa waxaa ku baaqay Madaxda maamul Goboleedyada dalka, iyadoo War murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda lagu sheegay in aanay dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod oo waqtigeeda ku dhacda, sidaas darteedna tubta farsamo ee qabsoomida doorashada dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay.

Leave a Reply