Ethiopia oo caddaysay in aysan aqoonsaneyn Somaliland – Kadib ..

Posted by

Dowladda Itoobiya oo wajaheysa cadadia diblumaasiyadeed oo la xiriira heshiis beenaadkii Addis Ababa ayaa dib uga joogsatay qeybo kamid ah heshiiskaasi.

Itoobiya ayaa diblomaasiyiinta reer Galbeedka la wadaagtay sida ay uga go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,sida ay xaqiijiyeen illo diblumaasiyadeed.

Middan ayaa ka dhigan in dowladda Itoobiya ay ku dhaqmeyso, ilaalineysana Axdiga Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah, oo ay horey u xoortay.

Sidoo kale waxay xukuumadda Itoobiya si cad ugu sheegtay diblomaasiyiintan “in aanay marnaba ballan-qaadin in ay aqoonsi diblomaasiyadeed siinayso maamulka Somaliland.”

Itoobiya ayaa sida muuqata dib uga guratay qodobka “aqoonsi” ee ay horey u sheegtay Somaliland inuu qeyb ka yahay heshiiska ay ku siinayso dhul badeedka, kaasi oo si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay in aysan qaadin tallaabooyin ay ku dhaqan-gelinayso is-afgaradka, kaasi oo xad-gudub ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Heshiinkan ayay horraantii sanadkaan qalinka ku duugeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.