Joe,Biden” oo Ku Horreeya Gobol Siin Kara Guusha Madaxtinnimada !!

Bbc news

Musharrax Joe Biden ayaa ku hormaray codadka laga tiriyay gobolka Pennsylvania, isagoo in ka badan shan kun oo cod ku hogaaminaya Donald Trump.

Waa gobol muhiim u ah loolanka madaxtinnimada Maraykanka ee ay ku tartamayaan Biden iyo Trump.

Haddii uu Biden ku guulaysto Pennsylvania, waxaa uu ku guulaysan doonaa tartanka isagoo noqon doona madaxweynaha la doortay.

Xayeeysiin

Gobolkaas ayaa leh 20 cod oo ah ergada doorashada, iyadoo inta la xaqiijiyay uu Biden heysto 253 codadkaas ah, uuna u baahan yahay 17 cod oo keliya.

Trump ayaa isla maanta lumiyay codadkii uu ku hogaaminayay gobolka kale ee muhiimka ah ee Georgia, Natiijada rasmiga ah ayaan la hubin xilliga ay soo bixi doonto.

  • Gobolka Pennsylvania, Biden ayaa 5,587 ka horreeya Trump, iyadoo la tiriyay 95% codadkii la dhiibtay. Dadka ka faalooda doorashada ayaa rumaysan in codadka haray oo ah kuwa lagu dhiibtay boostada ay guusha ku raaci karto Biden. Haddii uu Biden ku guulaysto gobolkan waxa uu gaari doonaa 270-ka cod ee laga rabo
  • Biden ayaa ku horreeya gobolka Georgia oo codadkiisa la tiriyay 99%. Waxaa dhiman tirinta qiyaastii 8,197cod.
  • Biden ayaa sido kale hogaanka u haya gobolka Nevada, iyadoo la tiriyay 89%. Waxaa harsan tirinta ku dhawaad 190,000 oo cod.
  • Gobolka Arizona, iyadoo 90% la tiriyay codadka ayaa Biden waxa uu ku hogaaminayaa 1.6%.
Dhowr gobol oo tirinta codadka doorashadu ay weli ka socoto ayey ku xirantahay natiijada cidda Madaxweyne dalkan ka noqoneysa afarta sano ee soo socda, Madaxweyne Donald Trump oo hadda kursiga ku fadhiya iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden.Gobolada isha aadka loogu hayo waxaa ka mid ah gobolka Goergia oo codadka ilaa iyo hadda la tiriyay uu in yar ku horeeyo Joe Biden

Biden ayaa u baahan inuu xaqiijiyo guusha Pennsylvania, ama Georgia, Nevada iyo Arizona si uu ugu guulaysto tartanka madaxtinnimada.

Leave a Reply