Maamulka Khaatumo oo ka hadashay ‘gantaal’ la sheegay inuu ku soo dhacay deeganadeeda

Posted by

4-May-2024″ Maamulka atumo oo ka hadashay ‘gantaal’ la sheegay inuu ku soo dhacay deeganadeeda

Baraha Bulshada ee Soomaalida waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay hadal hayn weyn abuuray, waxaa uu yahay haraadiga walax qaraxay oo lagu arkay deegaano ka tirsan gobolka Sool ee SSC-Khaatumo.

Sida uu BBC-da u xaqiijiyey Xoghayaha Warfaafinta Isgaarsinta iyo Teknoolajiyada ee SSC-Khaatumo Daahir Cabdirisaaq Axmed, in waxa ku dhacay miyiga deegaanka Kalcad oo u dhaxaysa degamada Taleex iyo Godaale uu yahay gantaal habow ah.

Laakiin BBC-du si madaxbannaan uma xaqiijin karto in waxaa deegaankaas ku dhacay yahay gantaal iyo in kale.

Wuxuu sheegay in dadka deegaanku u sheegeen Maamulka in xilli hore oo ooga waaberi ah ay maqleen guuxa waxa dulmaraya basle ay aamineen inuu ahaa diyaarad.

Waxay sheegeen inay xilli barqadii ah tageen goobtu uu gantaalku ku dhacay oo kaliya uu yaalo haraadigii iyo danbas balse waxaa muuqata inuusan dhulka wax badan hoos u jarin marka laga wax yar oo afka hore la galay,”ayuu yiri Daahir.

BBC- da oo waydiisay waxaa ay ku xaqiijinayan in burburkan uu yahay diyaarad na duuliye lahayn iyo gantaal ayuu xoghaye Daahir, sheegay in haya’addaha ammaanka iyo saaraakiisha tagay goobta ay xaqiijiyeen uu ahaa gantaal.

Daahir, wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay rumaysan yihiin inuu ka soo dhacay dhanka jihada bari ee kaga beegan badda cas balse aysan SSC-Khaatumo aysan si rasmi ah u xaqiijin karin halka uu ka yimid iyo cida soo riday toona.

“Waxaa deegaanka gaaray saraakiil ka tirsan haya’addaha ammaanka, waxayna soo aruuriyeen haraadiga gantaalka, waxaana la keenayaa Laascaanood si baaritaan dheerada loogu sameeyo, markaas ayaan heli doonaa faahfaafin intaas ka badan” ayuu BBCda u sheegay xoghayaha warfafinta ee Khaatumo

Xoghayaha warfaafinta ee SSC-Khaatumo Daahir Cabdirisaaq Axmed, ayaa sidoo kale BBCda u sheegay inaysan jiran wax khasaare dad ama duunyo ah oo uu sababay gantaalka ku dhacay deeganadooda.

“Waxani wuxuu u egyahay gantaal habow ah baan u aragana marka si cad uma sheegi karno inuu dal ama qolo hebel ka yimi, wali baaritaanku ma dhammaan” ayuu yiri Daahir.

Sida dadka deegaanka u xaqiijiyeen SSC-Khaatumo, waxay rumaysan yihiin gantaalku ka yimi jiida dhanka bariga kaga beegan xaga badda cas.

Inkasta oo BBCdu aysan si rasmi ah u xaqiijin karin, hadda badda cas waa mid ka mida goobaha ay ka oogan tahay xasaraddaha u dhaxeeya Xuutiyiinta Yemen iyo dalalka quwadaha.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa maamula qaybo ka mida Yemen, halkaas oo ay weerraro kaga qaadeen maraakiibta ganacsi ee gooshaysa badda cas, taas oo ay ka dhalatay weeraro falcelin ah oo Maraykanka,UK ku garaaceen gudaha Yemen.

Tani waxay siinaysaa awood ay ku maareeyaan marin biyoodka Bab al-Mandab, taasoo keenaysa marinka shiraaca ugu gaaban ee isku xidha Yurub iyo Aasiya

Weerarradii ugu dambeeyey ee lagu qaaday maraakiibta ku sugan Badda Cas ayaa la arkayey Xuutiyiinta o adeegsanaya gantaallada maraakiibta iyo kuwa riddada dheer, diyaaradaha iyo doomaha iskood is wada.

Qayb ka mida weerarradii ay ku qaadeen maraakiibta ayey Xuutiyiintu isticmaaleen doomo yar yar iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.