27-Dec-2023- Muqdisho-SONNA
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Gacanta kusoo dhigay Shirkado Lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda ka howl gasha Muqdisho, waxa uuna maamulka Gobolka sheegay in sharciga lala tiigsan doono kuwa Gacanta lagu soo dhigay iyo cidkaste oo ku howlan dhibaateynta bulshada.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay inaan Gaadiidka dad weynaha ee Bajaajta loo yaqaanno aan laga qaadi karin Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa ee ku waajibay.
Gobolka Benaadir ayaa horey tallaabo uga qaaday shaqsiyaad ku howllanaa fafal been abuur ah oo shacabka magaalada Muqdisho Lacago baad ah looga qadayay, kuwaa oo la horgeeyay Caddaaladda