Dr Xasan Shiikh Maxamuud : Hoggaamiye ku tilmaaman Jidka Somalia u Soo Xambaaray Rajada Dowladnimada

Hirgalinta sharciyo muhiim ah oo dalku yeeshay, Howlagalada ka dhanka ah Argagixisada, Qaadista cunaqabteyna hubka , Ku biirista daladda EAC, Talaabooyinka deyn cafinta Iyo Howlaha Samatabixinta abaarta Iyo daadadka oo kor loo Qaaday ayaa #Somalia tusay 2 Sano oo ka qeyr iyo barko badan 5 tii sano ee naga luntay

Hanaanka jiheeynta dowladnimada Casriga ah ee uu Tilmaamay Madaxweyne Xasan Shiikh, Waxaa La Jilba careeystay Xukuumadda Raysilwasaare Xamza..🙏

Ma, sahlaneyn in la maleeyn karay imaanshaheena halkaan ilaa aan soo gaarno Isbadelkii dhaliyay dib ugu soo laabash犀利士 adii Talada dalka Madaxweyne Xasan Shiikh, taas oo horseeday inaan aragno duullaanka ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo dib u riixida damacii 4_ta dakaddood ee Ethiopia, Iyadoo dalku uu bilaabay inuu, Isu weeciyo u dhaqaaqista wado kale oo leh hami soo dadajiyay helitaanka horumaro dhowr ah oo shiday iftiin cagaaran ooy ka buuxaan rajooyinka fursado la taaban karo👈

Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh waxay howshooda koowaad ka yeeshay inay la halgamaan sidii ay u kala saari laheyd Isdhexgal xidido aastay intii lagu jiray nidaamkii farmaajo oo dhexmaray Argagixisada Alshabaab Iyo heyaddaha amaanka dowlada

Ku soo laabashada Madaxweyne Xasan Shiikh masraxa siyaasada dalka ayaa toosiyay damiirkii xumaanta looga gilgilan lahaa, markii Madaxweynuhu uu ku xanxateeyay dareen ay Soomaalinimo ku dheehan tahay, taas oo shiday rajada iftiin cagaaran oo Somalia galisay yididiilada inay ka xoroobaan cabsida iyo nabadgalyadarada

❗WQ Elmi Osman Farah Boodhari” Webmaster Dheeho News Every Day 👈

Leave a Reply