Madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabay go’aankii golaha wasiirrada ee arrimaha doorashada

Posted by

MUQDISHO–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.

“Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraa kasoo baxay madaxtooyada.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.”

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii Khamiis-laha ahaa ayaa si qota dheer isaga wareystay  arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020-2021-ka, waxaana gaba-gabadii kulankaas oo ku qabsoomay qadka Internet-ka hadal ka jeediyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo shir gudoominayay

.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaado in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa khalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadal ka jeediyey gaba-gabada shirkii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada.

Radiokulmiye.net KNN

Leave a Reply