1- December-2023

Madaxweyne Xasan iyo Reysilwasaare Xamsa, oo soo dhaweeyay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka,
Madaxweynaha Somalia Dr Xasan Shiikh oo soo dhaweeyay go,aanka golaha amaanka Qaramada midoobay uu ku qaaday cunaqabateeyntii hubka ee saarneyd Somalia ayaa ku tilmaamay qaraar taariiqi ah oo garab istaagaya dadka soomaaliyeed ee halganka ugu jira inay iska xoreeyaan argagixisada
Ra’iisul Wasaara Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha Soomaaliya ay gaartay壯陽藥
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo saarneed 31 sano.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in cunaqabateynta ay tahay tii ugu dheereen ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu dal saaro, isaga oo xusay guusha ay Soomaaliya gaartay in ay tahay mid muddo la dhowr sugayey
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya fursad u heli doonto in ciidanka lagu qabalabeeyo hub casri ah, iyada oo caqabad kala kulmeenin, sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in awood u lahaan doonaan ciidanka xoogga in ay ka guuleystaan Khawaarijta uu sheegay in wixii hadda ka dambeeyo la heli doona hub casri ah.
Tan ayaa ku soo adaysa xilli caawa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii xilligaas oo ay burburtay dolwaddii dhexe.