Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Ka Baaqday Shirka Banjul Iyo R/kuxigeena Oo Ka Qaybgalaya Shirka dalalka Islaamka ee Gambia

Posted by

4- May 2024 Banjul

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqsaday ka qayb-galka Shir Madaxeedka dalalka Islaamka oo ka dhacaya Caasimadda dalka Gambia ee Banjul, halkaas oo ay ku qulqulayaan madax kala duwan.

Madaxweynaha ayaa waxaa beddalkiis baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo Soomaaliya ku metali doono shirkaasi, waxaana ka horreeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qayb-galay gogol xaarka shirweynahan.

Sida uu sheegay Yuusuf Garaad Cumar oo ah Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed,  Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-galayo Shir madaxeedka dalalka Islaamka oo maanta ka furmaya magaalada Banjul.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Banjul ee dalka Gambia kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Mudane Hakan Fidan, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale magaalada Banjul ee dalka Gambia uga qeybgalaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka.

Hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, beni’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhallinyarada, haweenka, qoyska, culuumta, tiknoolojiyadda, Warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.

Leave a Reply