Daawo” Maxaa ka jira in la damaaciyay qabuuraha Iskuul Buluusiyo oo maydad badan laga soo saaray?

Posted by

4-May-2024

Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay amar la sheegay in laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya, kaas oo dhaliyay in qaar kamid ah maydadkii ku jiray qabuurahaasi maanta ay dib usoo saaraan ehelladdooda.

Maydadka lasoo saaray waxaa ku jiray Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa majaajilistayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed, kaas oo geeriyooday 2021-kii.

Wiil uu dhalay marxuumka oo lagu magacaabo Maxamed Jaceelow ayaa sheegay inay ka war heleen amarkaas oo lagu sheegay in qabuuraha lagu burburinayo, kadibna ay sidaas kula soo baxeen maydka Aabahood, isaga oo sheegay inay ku aasi doonaan meel kale

Annaga oo soo booqanay Aabe ayaa maalin dhexdaas imaanay qabuuraha, waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan in la baxsanaayo, sidaas aawgeed waxaan go’aansanay inaan maanta Aabe ka bixino oo gayno meel kale” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan gayn doonaa meel kale oo amaan ah oo aan ku booqan karno, waligiisna aan laga bixin doonin

Maydka AJAKIS oo maanta dib loo soo saaray + Sababta

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka taagan xaalad murugo leh, taas oo kasoo korortay qabuuraha Iskuul Buluusiya.

Wararka ayaa sheegaya inuu soo baxay amar la sheegay in la siiyay ehellada ay dadkooda ku aasan yihiin qabuurahaasi oo bilaabay inay la baxaan maydadka.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in dhulka ay ku yaallaan qabuuraha lagu wareejiyay Bulukeeti, taasoo kordhisay walaaca ay qabaan ehellada iyo dadka deegaanka.