Daawo Toos: Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo Markale maanta dhageysaneyso kiiska dacwada Saydi Cali

Posted by

5- Ma-2024

Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in maanta markii  labaad ay dhageysato kiiska dacwadda ah ee ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in xaaskiisa uu ku gubay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa todobaadyo ka hor la horkeenay eedeysanaha kadib markii uu rafcaan kasoo qaatay xukun dil toogasho ah oo ay ku ridday maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa ku Eedeysan in uu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo ugu dambeyn u geeriyootay dhaawac dabkaa kasoo gaaray.