,

NISA oo weerartay xarumo ay leedahay shirkadda Hormuud Telecom

Posted by

15- January-2024

NISA oo weerartay xarumo ay leedahay shirkadda Hormuud Telecom oo aan wali Sharciga loo horkeenin kuwii horey u weeraray shirkada

Ha’yadda NISA oo weerartay xarumo ay leedahay shirkadda Hormuud Telecom oo aan wali Sharciga loo horkeenin kuwii horey u weeraray shirkada

Hormuud Telecom ayaa sheegtay in Ciidanka NISA ay maamulkii xarunta tareebiyaano ku qasbeen in loo daabaco dhaq-dhaqaaqa EVC Plus, taasi oo ay shirkada ku dooday inay ka hor imaaneyso shuruucda dalka iyo ilaalinta amaanada

Ciidamada NISA oo xiray xarunta weyn ee shirkadda Hormuud

Maamulka Shirkadda ee Xarunta Treebiyano oo cuskanaya shuruucda Dalka waxa ay saraakiishii u sheegeen in aysan la wadaagi karin xogta macaamiisha, ilaalinta amaanada aawgeed sida uu qabo qodobka 8aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (Sharci Lr. 003) iyo sidoo kale qodobka 65aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka (Sharci Lr. 005).”

Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa goordhow xiray xarunta weyn ee Shirkadda Hormuud ee Suuqa Bakaaraha.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka NISA ay xarunta ku weerareen saddex Cabdi Bile, ayada oo gabi ahaanba albaabada u laabtay xaruntaas oo ah midda ugu weyn ee Shirkadda Hormuud.

Sidoo kale, ciidanka NISA ayaa waxay xireen xarunta weyn ee Salaam Bank ee suuqa Bakaaraha. Askarta Nisa iyo Ilaalada Hormuud ee xarunta Bakaaraha ayaa qarka u saaraan in uu dagaal ku dhex-maro halkaasi.

Tallaabadan ayaa imaneysa kadib saacado un markii uu maamulka shirkadda Hormuud uu soo saaray qoraal uu ku eedeynayo NISA, inkasta oo NISA iska fogeysay inay xad-gudub kula kacday Hormuud.

Shalay ayey aheyd markii sidan oo kale ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay xirtay xarunta shirkadda Hormuud iyo Salaam Bank ee Tareebiyaano, taasi oo ka sameynaysay fatashaad.

“Waxaa Xarunta Shirkadda Hormuud Telecom ee Tareebiyaano soo weeraray ciidan hubeysan oo ka socda Hay’adda Nabadsugidda. Waxa ayna maamulka Xarunta ka dalbadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa EVC Plus, taas oo ka hor imaanaysa shuruucda Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Hormuud.

Warsaxaafadeedka Shirkadda Hormuud

Leave a Reply