2-October-2023-Dheeho
Eeda Meel Ay Qabato Weeysay Iyo Iin Raadin Haddaad Aragto Waa Ila Hadal !!
Sida Putland ay Isugu dayeeyso inay u sii huriso iska hor,imaad la xiriira dhul-daaqsimeed oo dhexmaray beelo wada dega gobolka mudug ayaa noqon kara talaabo soo dhaweeyn ka hela Argagixisada Alshabaab
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan shiikh oo ku mashquulsan sidii uu u soo afjari lahaa argagixiso xidideeysatay oo aan arkin wax iska caabin ah 5-tii sano ee ugu dambeysay ayaa meel iska dhigay wax kasta oo ka soo haray ahmiyada siinta amniga dalka
Maamulka Puntland oo baadigoob ugu jira ceeb uu ku maluuqo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo dal iyo dibad ay somaalidu soo dhaweeysay ku dhiirashadiisa dagaal qarka u saaran in Soomaaliya laga xoreeyo xagjirnimada rabshadaha wata ayaa ku dhaleeceeyay colaada la sheegay inay ka dhalatay dhul daaqsimeedka oo u dhaxeeya beelo wada dega gobolka Mudug.
Wasiirka Qorsheynta Puntland, Maxamed Siciid Faroole, ayaa sheegay inuu jiro xiriir ka dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo colaada Mudug ee Galmudug iyo Puntland sida uu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee X oo hore loo oran jiray Twitter-ka
Dagaalka ayaa dhexmaraya laba beelood oo mid ka mid ah ay ku sii jeedo la,dagaalanka argagixisada Alshabaab taas oo dhaqan ahaan soomaalidu ay ceeb u arkaan in ay dhacdo xili la filayay taageero iyo garab istaag iyo in ay meesha ka baxdo dadka iyo dowlada lagu daawanayo inay dalka saaran urur argagixiso oo caalami ah.
Ma,ahan markii ugu horeeysay abuuritaanka iska horkeen beelo tan iyo markii uu biloowday ololaha ka dhanka ah Argagixisda oo meelo kala duwan qabaa,ilo somalia ahi isku dirireen
Laakiin Ujjeedada ka danbeeysa ay ah in lagu istaajiyo gulufka isla jaanqaaday ee ku wajahan ciribtirka Alshabaab iyo in la kala dhantaalo iskaashiga xoogaga dadweynaha tiiyoon aan la dhihi karin waa wax laysku raacsan yahay balse maamulka siciid dani waxay halkaas ka dhex arkeen fursad ay Madaxweynaha ugu tanaagoodaan si ay u soo nooleeyaan mashruuca ila hadal
Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku geeriyootay, ku dhawaad 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka socda degaan hoos yimaada degmada Galdogob ee gobolka Mudug
Laakiin Maleeshiyo beeleedka oo kasoo kala jeeda degmada Galdogob iyo degaanka Bandiiradley oo ka kala tirsan maamulka Puntland iyo Galmudug, ayaa waxa uu dagaalkooda salka ku haya muran dhul daaqsimeed halkaas ku yaalla.
Deegaanka ay haatan dirirtu ka dhacayso ayaa lagu magacaba Dalsan, wuxuuna ku yaalla meel ku dhow xuduudka Itoobiya, waxaana maamul ahaan laga xukumaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug.
Dagaal beeledyo ayaa ka dhacay Goldogob.Dagaalkan ayaa u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmada Galdogob iyo degaanka Bandiiradley oo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug.