,

Culumadu maxay ka dheheen ‘arrinka wiilkii’ ay lacagta ka qaadatay gabadha uu shukaansanayay?

Posted by

2- October-2023- BBC

Waxaa baraha bulshada Soomaalida qabsay muuqaalka nin dhallinyaro ah oo isaga oo ilmeynaya sheegay in gabar ay si qiyaano iyo been ah bil walba uga qaadan jirtay lacag. Waxa uu sheegay in gabadhaas uu biili jiray kaga faa’iideysatay xiriir jaceyl iyo haasaawe ka dhexeeyay, iyada oo ah xaas nin kale u dhaxda.

Xiriirkooda ayaa socday 13 sano isaga oo bil walba u diri jiray lacag u dhexeysa $250 ilaa $300, sida uu ku faahfaahiyay muuqaalka lagu baahiyay Facebook.

“Waxaan is dhihi jiray qoftaan waa jeceshay ee farxad sii,” ayuu yiri wiilkan oo sheegay in gabadhaas darteed uu deyn u galay maadaama uusan labadooda ku filneyn mushaarka uu qaadanayay.

Laakiin muddo kadib ayuu sheegay in uu ogaaday in gabadhu been ku haasaawin jiray si ay lacag uun uga gurato, islamarkaas na ay tahay marwo u dhaxda nin kale.

Arrinkan wiilkan oo sida uu sheegtay ka shaqeynayay dukaan ku yaal Koonfur Africa, oo lagu xanto in ragga Soomaalida ee jooga ay ku dhiban yihiin inay helaan gabdho Soomaali ah oo la haasaawaan, ayaa dood weyn ka dhex dhaliyay baraha bulshada.

Dadka ayaa u qeybsamay qaar isaga la abuurta oo ku aragti ah oo aaminsan in la khiyaameeyey oo uusan mudnayn in sidaa ay gabadhu u gasho, iyo kuwa kale oo iyagana ku doodayey inuu isagu lugihiisa ku doontay, wixii uu kala kulmana ay ahayd inuu u toog hayo oo uu adkaysto.

Qaar kale waxay arrinta u dhigeen dhibaato weyn oo ragga iyo dumarka dhex taalla marka laga hadlayo shukaansiga iyo isu daacad ahaanshaha labada qof ee haasaawaha iyo ballanta mustaqbalka ay u dhaxayso.

Haddaba diinta islaamku maxay ka qabtaa arrintan oo aysan ahayn markii ugu horreysay ee mid la mid ah ay dhacdo?

Facebook
Qoraalka sawirka,Sheekh Maxamuud Sheekh Cumar Dirir

Sheekh Maxamuud Sheekh Cumar Dirir oo ka hadlayey meel fagaare ah oo su’aalo kala duwan loogu soo gudbiyey ayaa isagoo ka jawaabaya mas’alo middan la mid ah ayaa sheegay in gabadha ay deyn ku noqoneyso wixii lacag iyo hanti kale ah ee ay ka qaataan ragga ay is shukaansadaan haddii ay guurkii iyo balankii hirgeli waayo.

“Wixii ay ka sii qaadday wakhtigii ay sheekaysanayeen ee guurka ka wada hadlayeen inay u celinayso Jumhuurkaa qaba, afarta mad-hab seddex baa qaba, waayo hadiyad caadi ah ma aysan ahayn, laakin hadiyad wax ku lifaaqan yihiin bay ahayd, hoo oo keen bay ahayd,” ayuu yiri Sheekh Dirir. Waxaa uu intaa raaciyay: “Hadiyad fii sabiili laahi ah oo qof meel iska jooga inta loo dhiibo la dhaafayo ma ahayn.”

Wuxuu intaa ku daray in qof kasta oo sabab daraadeed wax loo siiyo, haddii la waayo sababtii iyo wixii laga sugayey in wixiisa loo celinayo qofkii bixiyey.

“Culimada qaar waxay sheegayaan in haddii xagga gabadha ay ka timaado in xiriirka uu dhamaado ninka loo celinayo wixi ka baxay, laakinse haddii dhanka ninka ay ka timaado culimada qaarkood waxay leeyihiin waxba loo celin mayo,” ayuu si raaciyey Sheekh Dirir.

Inkastoo sida diintu qabto uu sharraxay sheekh Maxamuud Sheekh Cumar Dirir, misna labada arrimood ee arrintan oo kale cuslaynaya waa dhinaca sharciga maaddiga ah oo aan lahayn qodob sharci oo loo cuskan karo labada dhinacba, iyo dhaqanka Soomaalida oo ay ku yar tahay ama aysan ku jirin xalka mas’aladan oo kale.

XAYEEYSIIS

Tilmaamaha Shukaansiga xalaasha ah

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ku dheeraaday mas’alada haasaawaha ayaa sharraxaad ka bixiyey shuruudaha ay diintu ku xirtay shukaansiga iyo xuduudaha u yaalla.

“Shukaansiga xalaasha ah waa kan ku salaysan sharciga. Sharcigu wuxu nin iyo gabar ajnabi kala ah u diiday is taabashadooda is daawashadooda iyo wadahadalkooda, waayo waa waddooyinka sinada, waana la xiray, laakin marka guur la doonyo inay is arkaan waa la oggol yahay, inay wada-hadlaanna waa la oggol yahay. Xad ayaa taa u yaalla, in gaar ah ayuu ka arki karaa oo ah wajjiga iyo gacmaha si uu qofkan quruxdiisa iyo jamaalkiisa u arko,” ayu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in labada qof ay u banaan tahay in midba uu kan kale iska eego. “Nabiga ayaa sidaa faray” ayuu yiri wuxuuna sii raaciyey “waxaan doonaynaa laba qof oo isku qanca ee ma doonayno laba qof oo la isku khasbo ama la isku qariyo oo marka dambe soo kala booda”.

Dhanka shukaansiga aan xalaasha ahayn ayuu shiikhu ku tilmaamay “nin iyo gabar aan isku mehersanayn oo dhexda is haysta, isla caweynaya, isla dalxiisaya, isla cashaynaya, oo sidii muraayadda is daawanaya. Labada qof waa bani’aadam, hammad bay leeyihiin, sheydaanna waa seddexaynayaa,” ayuu yiri isagoo ula jeeday in la doonayo in laga fogaado in Sino ay timaado, taa ayuuna ku tilmaamay sababta uu “sharcigu albaabadaas u xiray”.

Sidaas oo ay tahay, hubanti looma hayo sheekada wiilkan dhab-ahaanteeda, sababtoo ah marar badan waxaa baraha bulshada Soomaalida iyo dukaan ka kale ba ku faafa sheekooyin jiliin iyo mala-awaal ah, oo dhab loo ekeysiiyay islamarkaas na la falgalaya dhacdooyin caadi ah oo bulshada ka dhex dhaca. Laakiin wiilku waxa uu u ekaa mid dhab hadlaya oo ilmeynaya, haddii uusan ahayn jilaa khatar ah.

Leave a Reply