Maamulka Puntland oo sheegay Inay qaadacayaan Qorshaha DFS ee XAJKA Sanadkan

Posted by

7-May-2024

Masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowlad Goboleedka ayaa Dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eeedayay in arrrimaha Xajka la siyaasadeeayy, taasi oo ay ku tilmaameen mid sharciga baalmarsan.

Shirka oo ay  iskugu yimaadeen Shirkadaha Adeega Xajka iyo Cumrada ka shaqeeya iyo Culimada Puntland, ayaa waxaa sidoo kale looga wada hadlay qodobo  dhoowra oo ku aaddan arrimaha Xajka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta ayaa kulanka furay, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud, Madaxda Shirkadaha Xajka iyo Cumrada, iyo Culimada.

Shirkan oo ah shir lagu horumarinayey adeega Xajka iyo Cumrada iyo sidii muwaadiniinta reer Puntland u heli lahaayeen adeeg Xaj oo dhamaystiran ayaa laiskula wadaagay xaalada guud ee arrimaha Xajka, Caqabadaha jira iyo talooyin wax ku ool ah oo laisla qaatay.

Ugu danbayn Madaxda Wasaaradda ayaa kasoo saaray war-murtiyeed ku aadan sidii xujayda reer Puntland loogu fududayn lahaa adeega xajka iyo shirkaadka ka shaqeeya arrimaha Xajka inay u hogaansamaan shuruucda dalka sidoo kalana kasoo saaray baaq dheer oo ku aadan inaan la siyaasadayn arrimaha Xajka iyo Cumrada.