Dad ka badan ilaa 600,000 oo qof ayaa ku barakacay roobabka da’aya guud ahaan gobolka Bariga Afrika

Posted by

6-May-2024- Q/M Oo Sheegtay In Kumanaan qof ay ku barakacay roobab ku da’ay dalal ay Somalia Kamid Tahay

Xaafiiska Qaramada Midoobay ee bani’aadannimada ayaa sheegay in roobabka da’aya ee guud ahaan gobolka Bariga Afrika uu saameeyay dad ka badan ilaa 600,000 oo qof.

OCHA ayaa sheegtay in Soomaaliya roobabka gu’ga ay saameeyeen 163,000 oo qof kuwaasi oo 37,000 oo ka mid ah ay barakaceen

Hadalka Qaramada Midoobay ayaa yimid iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in heerka biyaha Wabiga Shabeelle ay sare u kaceen gaarahaan dhanka magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasaaradda isbadelka cimilada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa muujisay in sare u kacaan ku yimid biyaha Wabiga ay ka dhalan karto fatahaad waxyeello gaarsiin karta dadka iyo deegaanka.

Dadka ku nool agagaarka Wabiga ayaa loogu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha u nugul fatahaadda si aaney halis u galin naftoodu.

Leave a Reply