10- May-2024-‘Nairobi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya, ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Labada dal, ee dhinacayadda ganacsiga ,amniga, dagaalka k壯陽藥 a dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilloonida guud ee Gobolka.
Dhinaca kale
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadaa Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maalmahan safar shaqo ku jooga Caasimada dalka Kenya ee Nairobi, ayaa maanta kulan la qaatay xildhibaanadda Soomaaliyeed ee ku jiro Barlamaanka Kenya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dalka, gaar ahaan danaha dadka Soomaaliyeed ee kuwada nool labada dalka.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed laf dhabarka u yihiin xariirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay muhiim tahay sii xoojinta xiriirka ku dhisan isdhaafsiga danaha labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamza “Dagaalka Khawaarijta waxaad dhawaan maqli doontaan guulo aad ku faraxdaan, kuwaas oo ka i maanaya jiida hore”.