DHUUSAMAREEB- RadioDalsan
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno kale
Intaas kadib Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa loo galbiyay gudaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta uu halkaas ku sugan yahay kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka oo ku sugan halkaas.
Wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maalmaha soo socda furmi doona, kaasoo looga arrinsanayo hannaanka doorashada ee dalku galayo.
Shirkaas ayaa waxaa ku baaqay Madaxda maamul Goboleedyada dalka, iyadoo War murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda lagu sheegay in aanay dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod oo waqtigeeda ku dhacda, sidaas darteedna tubta farsamo ee qabsoomida doorashada dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay.