R/Wasaare Xamse Barre oo kulan muhiim ah la qaatay Madaxweyne ku Xigeenka Kenya

Posted by

7-May-2024

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa kulamo kala duwan ka wada halkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa goordhaweyd kulan muhiim ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Rigathi Gachagua.

Labada Masuul ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo  iskaashiga ee labada Dal.