,

Toos U Daawo: Kalfadhigii 42-aad Ee Aan Caadiga Ahayn Ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD

Posted by

q18- January-2024- Kampala

IGAD ayaa meel uga soo wada jeestay xadgudubka dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax banaanida dhuleed ee Jamuuriyada Fadaraalka Somalia🇸🇴.

Shirka 42aad ee madaxda urur goboleedka IGAD, Ajandaha koowaad ee kulanka Kampala oo looga arrinsaday colaadda ka dhex aloosantay #Muqdisho Iyo Ababa.

Gabagabadii shirka waxaa laga soo saaray warmurtiyeed ay Madaxda IGAD ay isku raaceen oo qeexaya inay lama taabtaan tahay Madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Warmurtiyeedka ayay ku muujiyeen madaxda wadamadu walaaca ay ka qabaan xaalka cakiran ee ka dhex taagan wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya.

https://twitter.com/IGADsecretariat/status/1748026795742630160?t=G7mlEaM2HRO35ilNPvqqIQ&s=19

Balse waxaa ay cadeeyeen warkooda “In la xushmeeyo dhamaan mabaadiida aasaasiga ah ee xushmada karaamada, midnimada iyo xuduuda dhuleed ee dawladda federaalka Soomaaliya, iyo in hashiis kasto lagu dhawro madaxbanaanidaas. Sidoo kale heshiis kasta waa in la hayo ogolaanshaha dawladda Soomaaliya”, ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Dhanka kale war murtiyeedka ayaa ugu baaqay labada dawladoodba inay dajiyaan xiisadda ayaa u holadaan bilaabista wadahadalo wax dhisaya.

Balse dawladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aysan wax dhexdhaxaadin ah ka gali doonin heshiiska MoU ga ee Itoobiya la sixiixatay Somaliland.

https://twitter.com/IGADsecretariat/status/1748011230353404159?t=cEawWMs0RTZBfumKK5432w&s=19

Midowga Afrika ayaa soo jeediyay kadib shir shalay ka dhacay Adis Ababa in dhexdhaxaadiye loo magacaabo xiisadda labada dal.

Shirka IGAD ayaa waxaa shir gudoominayay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale waxaa ku sugnaa madaxweynaha Kenya, William Ruto, madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh maxamuud, Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Moseveni.

Sidoo kale waxaa ku sugnaa madaxda urur goboleedka IGAD iyo diblumaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo Bariga dhexe.

War murtiyeedka ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa colaada Sudan, iyada wadamado walaac ka muujiyeen xaaladda bani aadanimo ee ka jirta dalkaas.

“Waxaa la xoojiyay in Jamhuuriyadda Sudan aysan lahayn dhinacyada dagaalamaya oo kaliya balse ay leeyihiin shacabka reer Sudan, sidaas darteed ay dhinacyadu sameeyaan xabad joojin shuruud la’aan ah,” ayaa lagu war-murtiyeedka.

Somalia: Wax wada hadal ah ma jiro haddaan Itoobiya ka noqon heshiiska Somaliland

Soomaaliya ayaa Khamiistii sheegtay in aysan jirin meel lagu dhex dhexaadiyo khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya, haddii aysan Addis Ababa baabi’in heshiis muran badan dhaliyay oo dhinaca badda ah oo ay la gashay maamulka la baxay Somaliland.

Xiisada Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay Somaliland la gashay 1-dii January heshiis is-afgarad ah oo siinaya inay si weyn u hesho marinka badda.

“Ma jirto meel dhex dhexaadin ah haddii aysan Itoobiya ka laaban Is-afgaradkii sharci darrada ahaa oo ay dib u xaqiijiso madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas oo lagu baahiyey barahooda rasmiga ah ee baraha bulshada.

Faalladan ayaa timid kadib markii guddiga xalinta khilaafaadka ee Midowga Afrika ay Arbacadii ka hadleen xiisadda u dhaxeysa labada dal ee deriska ah.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa ugu baaqay “inay is-xakameeyaan, is-dejiyaan oo ay galaan wada-hadal macno leh oo lagu raadinayo xal nabadeed oo arrinta ah”.

Leave a Reply