19-Açril-2024-Muqdisho” Siyaasiyiinta Sacad oo xilli adag Gaalkacyo aaday iyo Qoor Qoor oo qaatay kaalintoodii
Xaalada cakiran ayaa saacadihii lasoo dhaafay kasoo korortay qeybaha koonfureed ee magaalada Muqdisho, kadib markii booliska Soomaaliya oo markii 3-aad digniin kama dambeys ah siiyey qoysaska degan dhulkii dabdemiska ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Dhankooda qoysaska degan dhulka boolisku dalbaday in laga guuro ayaa ku adkeystay in aysan guuri doonin, waxayna cadeeyeen inay dagaalami doonaan, hadii loo adeegsado awood dowladeed.
Intaas kadib arrinta waxaa ku soo baxay masuuliyiinta dowladda ku metesha 犀利士 beesha Habargidir, balse waxaa dhibcihii ugu badnaa galabta uruursaday madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.
Qoysaska degan dhulka la isku heysto waxay u badan yihiin beesha Sacad, waqtigii loo qabtay inay ku guuraan wuxuu ku egyahay berri oo bisha Abriil ay 20 tahay, halka siyaasiyiinta Dowladda Federaalka ku metesha beesha Sacad ay caawa dhamaantood joogaan magaalada Gaalkacyo.
Qoor Qoor oo Muqdisho jooga ayaa galabta baxay oo tegay degmada Hodan, halkaas wuxuu kula kulmay odayaasha dhaqanka ee beesha laga dalbaday inay ka guuraan dhulka dabdemiska.
Madaxweynaha Galmudug wuxuu la hadlay warbaahinta, isagoo la jooga odayaasha dhaqanka ee beesha Habargidir oo diidan inay dhulkaas ka guuraan, wuxuu sheegay in berri aysan dhici doonin waxa la filayo oo booliska iyo wasaaradda amniga uu la hadli doono.
Qoor Qoor oo qaaday tallaabo kuna guuleystay baajinta dagaalkii Seybiyaano
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta la kulmay odayaashii ka hor yimid amarka dowladda ee diiday inay ka guuraan dhulka dabdemiska ee ku yaalla degmada Hodan
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in berri aan la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS.
“Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri Qoor Qoor.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkaan aysan xaq u laheyn in la dhaho iska guura, isla markaana arrintaan uu kala hadli doono madaxda ugu sareysa dalka.
Qoor Qoor ayaa duray dad uu sheegay in dano gaar ah oo dhaqaale ay ka dhex raadinayaan arrinta dhulka dabdemiska, isagoo yiri “iimaanka allaha u soo celiyo ayaan leenahay dadkaas” inkastoo uusan xusin magacyada dad gaar ah.