,

Soomaaliya oo soo bandhigtay Axdiga Qaran ee Dhimista Wasaqda Hawada

Posted by

Dowladda Soomaaliya  ayaa soo bandhigtay axdiga Qaran ee dhimista wasaqowga hawada (NDC). Waa qorshaheedii ugu horeeyay ee looga jawaabayo dhibaatooyinka isbedelka cimiladda.

Tallaabadan muhiimka ah ee horay loo qaaday ayaa timid ka dib markii si guul leh loo cusbooneysiiyay NDC-ga Soomaaliya iyo horumarinta qorshe hawleedkeedii ugu horreeyay ee hirgelinta NDC ay u dhammaystiran yihiin barnaamij mashruuc oo la maalgelin karo.

Xafladda daahfurka rasmiga ah ayaa lagu qabtay magaalada shirweynaha COP28 oo ka soda maalinkii 5 magaalada Dubai, iyadoo uu hormuud ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa daah-furay qorshe wax ku ool ah oo ku aaddan yareynta iyo la qabsiga saameynta isbedelka cimiladda kaas oo calaamad taariikhi ah u noqonaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay u adkeysiga cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xafladda daahfurka barnaamijka NDC ayaa ku sheegay sida hagar la’aanta ah ee Soomaaliya ay ugu heelan tahay la tacaalida isbedelka cimilada. Xeeladaha lagu qeexay Qorshaha Hirgelinta NDC-ga ayaa muujinaya dadaalka firfircoon ee Soomaaliya ee wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Khadiija M. Al-Makhzoumi, ayaa khudbadeeda ku soo bandhigtay Dariiqa Soomaaliya ee Qorshaha Hirgelinta ee NDC lagu guuleysto. Erayadeedu waxay hoosta ka xariiqeen tillaabooyinka istaraatiijiga ah ee hagaya shaqada cimilada Soomaaliya. Khudbadda Wasiir Khadiija waxay ku nuuxnuuxsatay doorka muhiimka ah ee Qorshaha Hirgelinta NDC iyo baahida loo qabo wada-shaqeyn joogto ah.

Daah-furkaani waxa uu astaan ​​u yahay isbeddelka Soomaaliya, oo ka tarjumaysa hab dhammaystiran oo wax looga qabanayo isbedelka cimilada. Soomaaliya waxa ay rajaynaysaa in ay ka qayb-qaataan dadaallo iskaashi oo lala yeesho bulshada caalamka si loo dhiso mustaqbal waara oo adkaysi leh.

Leave a Reply