Qooyska Ikraan Tahliil oo ku gacan seeyray natiijada baaritaan ee uu soo bandhigay xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada

Posted by

MUQDISHO — SUNDAY ” 21″ November ” 2021″ VOA somali

Xeer ilaalinta maxkamadda milatariga Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan usoo bixin wax caddaymo ah oo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax ay ku maqan tahay gacanta saraakiisha hay’adda nabadsugidda NISA.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa horey u sheegay in gabadhoodu ay ku maqan tahay hay’adda nabasdugidda ee NISA, waxayna sheegeen inay doonayana inay caddaalad helaan.

Haddaba hadalkan cusub ee ay sheegeen xeer ilaalinta maxkamadda milatariga ayaa waxaan wax ka weydiinay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil.

Haaruun Macruuf ayaa weydiiyay sida ay u aragto warbixintan xeer ilaalinta. Halkan ka dhageeyso

https://www.voasomali.com/a/6321985.html

HADALKA MAAMA Qaali Ayaa Timid Markii Gen Cabdullaahi Buulle Kamey uu Sheegay In Lagu Waayay NISA Dilka Ikraan Tahliil

Gen Cabdullaahi Buulle Kamey

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gen Cabdullaahi Buule Kameey ayaa sheegay in hogaanka NISA lagu waayay wax caddayn ah oo muujinaya ku lug lahaanshaha Kiiska Ikraam Tahliil.

Gen Kameey ayaa sheegay in hay’adda NISA ay si hufan ula shaqeeyeen inta ay wadeen baarista Kiiska Ikraan 

Gen Kameey ayaa sheegay in ay caddaymo ka qoreen ku simaha NISa Gaashaanle Sare Yaasiin Fareey iyo Madaxii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Warkan ka soo baxay xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa ku soo beegmaya xilli ay maanta soo saareen musharaxiin ka tirsan golaha shacabka in loo boobayo kursigooda taliyaha kumeelgaarka ah ee NISA Yaasiin Fareey.

Yaasiin Farey iyo Fahad Yaasiin ayaa lagu wadaa inuu isu sharaxaan xildhibaanimo Golaha Shacabka.

Leave a Reply