Wariye C/laahi cail afrax oo xalay muqdisho Ku geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho wariye Sheekh Cabdullahi Cali Afrax (Afrax Yare) isagoo muddooyinkii ugu danbeeyayay ku xanuunsanaa Muqdisho.

Sheekh Cabdulaahi Cali Afrax ayaa ka mid ahaa weriyaashii ugu caansanaa Radiyo Muqdisho 80-kii ilaa 90kii.

Allaha u naxarisitee Afrax Yare Wuxuu ka mid ahaa soo saarayaashii Barnaamijka Bandhiga Raadiyaha iyo falooyinkii raadiyaha ka bixi jirey, wuxuu ka soo shaqeeyay tababarna uu ku soo qaatay BBC laanta Afka Soomaaliga. Xiligii burburka wuxuu idaacadii HornAfrik ka bilaabay barnamijka diiniga ee dhaqanka islaamka oo uu soo saare iyo soo tebiye uu ka ahaa.

Allah ha naxariiste marxuumka wuxuu ku dhashey magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1953dii, waxaa uu waxbarashada hoose iyo sare ku qaatay Dugsiyada Shibis, Bartamaha, 15-ka May ayuu dugsiga sare ku dhamaystay isagoo wax ku bartay Jaamacadda ummadda (Gahayr).

Leave a Reply