Weerar qaraxyo ku billowday oo lagu qaaday Hoteel SYL

14-March-2024

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee Hoteel SYL oo ku hor yaala Madaxdooyada Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in rag dagaalamayaal ah ayaa la sheegaya in ay gudaha hoteelka ka dagaalamayaan.

Hotel SYL waxaa degan Xildhibaano iyo mas’uuliyiin Dowladeed

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo xildhibaano u badan ayaa la sheegay inay joogeen hotelka, kuwaas oo la xaqiijiyey in qaarkood lasoo badbaadiyey, welina waxaa gudaha Hotelka laga maqlayaa rasaas teel-teel ah.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL Hotel waxaa lasoo werinayaa inuu ku jiro xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale.

Ciidamada ammaanka ayaa wada dadaalo ay ku soo badbaadinayaan dadka ku jira gudaha Hotelka la weeraray, welina dowladdu wax war ah kama soo saarin weerarkaan ka socda afaafka hore ee Villa Somalia.