Author: boodhari

QM oo sheegtay inay kordheen dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya
WARARKA

QM oo sheegtay inay kordheen dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya

29-April-2024" Warbixin uu soo saaray xafiiska Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) ee Soomaaliya ayaa lagu faahfaaiyay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha gudaha Soomaaliya. Warbixinta ayaa shaaca ka qaadday in dagaallada iyo fatahaadaha ka dhacay meelo ka mid ah Soomaaliya ay barakiciyeen in ka badan 88 kun oo qof saddexdii bilood ee u horeeyay sanadkan 2024-ka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka sugidda badqabka cuntada
WARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka sugidda badqabka cuntada

29-April-2024 a’iisul Wasaaraha Xukuumaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan gaara kaasi oo looga hadlayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay warbixin ku saabsan hab cusub oo ay dowladda Soomaaliya kula wareegeyso mas’uuliyadda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada. Mudane Xamsa ayaa ku tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in dowladdu yeelato awoodda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada, iyadoo la fulinayo heshiiskii ay dowladdu la gashay Hay’adaha caalamiga ah.
Somalia rising as source of remittances for Uganda and Kenya
WORLD

Somalia rising as source of remittances for Uganda and Kenya

29-April-2024" Somalia has emerged as a new source of remittances for Kenya and Uganda, accounting for $180 million and $21.9 million respectively per year, diplomatic sources say. According to data at the diplomatic missions in Mogadishu, there are more than 35,000 Ugandans in Somalia, remitting between $50,000 and $60,000 per day, compared with Kenyans, whose remittances average $500,000 million per day. We just need to wake our people to add value to the skills that we want to market here in order to get more from this economy,” Nathan Mugisha, Uganda’s Deputy Head of Mission in Somalia told The EastAfrican in Mogadishu. “We have a lot of opportunities here in agriculture, human skilled labour, especially in the construction sector and mining. We just need to get more organised. ...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir caalami ah uga qayb-galay Nairobi 
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir caalami ah uga qayb-galay Nairobi 

29-Apri-2024- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee 𝐈𝐃𝐀, iyo madaxda Afrika kaas oo maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkaan ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama ay dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah si sare loogu qaado wax soo saarka gudaha, dib-u-habeynta maaliyadda oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madashan ayaa u mahadceliyey madaxda bangiga horumarinta aduunka iyo dowladda kenya oo martigelinta laheyd, isaga oo sharaxaad ka bixiyey horumarka Soo...
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo gaaray magaalada Nairobi
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo gaaray magaalada Nairobi

Nairobi, 28 Abriil 2024 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qayb-lgalo Shirka IDA21 ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka oo la qaban doono 29-ka Abriil, 2024. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka, ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo maalgashiga qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaa iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn. Madaxweye Xasan Sheekh ayaa Inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas'uuliyiinta ka socda Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah. Safa...
Lix ka mid ah shaqaalaha Hormuud Telecom oo ku  dhintay qarax ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho
WARARKA

Lix ka mid ah shaqaalaha Hormuud Telecom oo ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho

28-April 2024" Shaqaale ka tirsan shirkadda isgaarsiinnta ee Hormuud ayaa ku dhintay qarax ka dhacay galabta nawaaxiga Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdishu. Qaraxan ayaa ahaa miino jidka lagu aasay oo ay la kulmeen howladeenada shirkadda Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa Hase yeeshee ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegtay qaraxyada noocan ah Shirkadda Hrmuud Telecom ayaa xaqiijisay Lix ka mid ah shaqaalaheeda In ay ku dhinteen qarax ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Magaalada Muqdisho Maamulka Hormuud Telecom ayaa sheegay soo saaray warsaxafadeed ay arintaas kaga hadlayaan
Shir mudnaan gaar ah u leh Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi
WARARKA

Shir mudnaan gaar ah u leh Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

28-April-2024" Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka muhiim ah. Shirkan oo ah midkii 21-aad ee hay’adda horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA, ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb-galay Wasiirada Maaliyadda dalalka qaaradda Afrika. Shirka maanta oo ah heer Wasiir Maaliyadeed ayaa waxaa looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika, si uu Bangiga Adduunka u maal-galiyo. Qodobada ay soo saaraan wasiirada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulanka kiisa xiga oo ah heer madaxweyne, kaasi oo sida qorshuhu yahay qabsoomi doona 29-ka April 2024-ka. Shirkaan ayaa waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana i...
Dheeho Cusbooneeysiinta wararka ciyaaraha Axada
SPORTS, WARARKA

Dheeho Cusbooneeysiinta wararka ciyaaraha Axada

Nottingham Forest 0-2 Man City Erling Haaland ayaa soo laabashadiisa gool ku calaamadiyay iyadoo Manchester City ay sii waday cadaadiska ay ku hayso hogaamiyayaasha Arsenal guushii ay ka gaareen Nottingham Forest. Weeraryahanka Norway ayaa labo kulan ku seegay dhaawac, lakiin waxa uu ka soo kacay kursiga keydka daqiiqadii 62aad ee garoonka City Ground. Waxa uu soo galay koornada bidix sagaal daqiiqo ka dib si uu u soo gabagabeeyo dhibcaha isla markaana uu City hal dhibic ka hooseeyo Arsenal, kooxda ugu cadcad Premier League, oo guul ka gaartay Tottenham horaantii Axadii. City ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 32aad ee ciyaarta markii uu Josko Gvardiol dhaliyay gool madax ah oo xoogan oo birta u dhow uu ka helay Kevin de Bruyne. Gio Reyna ayaa badel soo daahay kusoo g...
Aabe dhagar qabe ah ayaa duleedka magaalada Muqdisho qarax uu maleegayay ku laayay qoyskiisa
WARARKA

Aabe dhagar qabe ah ayaa duleedka magaalada Muqdisho qarax uu maleegayay ku laayay qoyskiisa

27-'April-2024" Aabe ayaa reerkiisa ku halaagay qarax uu sameynayey duleedka magaalada muqdisho Dad ku sugan Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in qoys oo ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo labo carruur ah uu galaaftay qarax uu sameynayey odaga reerka. Xogtaan waxay sheegeysaa in qaraxa uu sameynayey Aabaha reerka, balse uu ku qarxay isaga iyo reerkiisa oo kaliya, kadib markii ay ka halowday farsamadii. Dadka deriska la ah reerkaas ayaa ku soo baxay markii ay maqleen qaraxa ka dhacay guriga dhexdiisa, waxaana loogu yimid hooyadii oo dhaawac ah iyo meydka odagii qaraxa sameynayey iyo labo carruur ah. Arrintaan ayaa argaagax ku abuurtay dadkii deriska ahaa ee Ceelasha Biyaha la deganaa reerka ay heshay musiibadaan la sheegay inuu gacantiisa ku geystay odagii reerka. Ciidanka booliska S...