Beeraleyda qaadka Kenya oo shirka maalgashiga Soomaaliya ka sheegay inay rabaan kalluunka dalka

Posted by

26-April-2024″ Soomaaliya waa dal dihin kheyraadka Eebbe ku galadayna ayna dadkeedu ka faa’iidaysan – faa’iidaysi waa halkiisee ay ka gaajaysan yihiin. Waa dal kheyraadka ceegaaga iyo baahiyaha dadkiisu ayna is lahayn. Mid ka mid ah kheyraadka ugu weyn ee ay Soomaaliya leedahay waa kalluunka maadaama dalku leeyahay xeebta ugu dheer Afrika.

Kalluumaysatada Soomaaliyeed ee xeebtaas dheraran dalka ku suganna waxay helaan macaamiil kooban oo dalka gudahiisa ah balse baahida loo qabo kalluunka ee gobolka taala waa mid ballaadhan – tusaale labada wadan ee Kenya iyo Itoobiya Soomaaliyana la deriska ah waxaa ka jira dalab xoogan oo kalluunka ah.

Sannadkii 2022 madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhigiisa dalka Kenya la saxiixday heshiis wax isweydaarsi ah kaas oo ka koobnaa toban qodob ayna ugu muhiimsanaayeen in Kenya Soomaaliya u soo dhoofin doonto qaadka oo muddo ka xayirnaa, Soomaaliyana ay u dhoofin doonto kalluunka dalka Kenya.

Kenya ayaa kalluun ka qaadanaysa Soomaaliya, waxayna u soo dhoofisaa Qaad

Heshiishkaas markii la kala saxiixday 4 berri oo qudha Kenya jaadkii ay Soomaaliya u soo daashubay waxay ka samaysay lacag dhan 221 milyan oo shilinka Kenya ah ($1.9 Million). Axdigii ay kala galeen dowladda Kenya iyo Soomaaliya dantii dhanka Kenya ay lahayd way gaadhay oo beeraleydeeda beerata qaadka way qancisay iyada oo Kenya ay ka samayso qaadka malaayiin doolar sanadkii.

Balse Soomaaliya wali suuqii kalluunka wali kama faa’iidaysan, kalluumaysatadii Soomaalidana wali ma helin suuqii dalka Kenya sida beeroleyda qaadka dalka Kenya ay suuq uga heleen dalka Soomaaliya. Heshiiska madaxweynaha Soomaaliya uu la saxiixday madaxweynahii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta 15-kii Bishii July ee sanadkii 2022.

Maalmo ka dib BBC-du waxay warraysatay guddoomiye ku-xigeenka Dalladda Kalluumeeysatada Soomaaliya Muuse Cabduqaadir Ducaale ayaa sheegay in ay jiraan caqabado hortaagan heshiiskan ay dowladda Soomaaliya la gashay dalka Kenya.

“Ilaa iyo hadda heshii 10 qodob ah baa la galay baa la yiri, waxaana 10-kaasi qodob ka mid ah in kalluunka loo dhoofiyo Kenya, balse ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan Dalladda Kaluumeeysatada Soomaaliya oo loo yeeray oo lagala hadlay arrintan” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sheegay in dhankooda ay diyaar u yahiin ka faa’iidaysiga suuqan balse aynaba jirin wax qorshe ah oo arrinkaan dhanka Dowladda Soomaaliya balse heshiiska ay iska saxiixday daacadna aan laga ahayn hirgelinta heshiiskaas.

“Waxaa ka horreeya qaabka kalluunka loo geyn lahaa iyo qoladii qaadan lahayd, marka haddii ay labada dowladood aysan daacad ka noqon, kalluumeysato kalluun ma dhoofin karto” ayuu yidhi isaga oo ka warramaya maangalnimada ah heshiiska hirgelintiisa.

Leave a Reply