Cabdisalaan Hadliye “Maanta kaddib Soomaalidu Qaxooti kuma ahan Xeryaha Kenya

Posted by

27-April-2024 ” Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika, Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ay dejin karaan. meel kasta oo ay ka rabaan 8- Wadamada Associated (EAC).

Hadliye, ayaa sheegay in isku darka isbaheysigan uu u fasaxayo in  qof walba meeshii uu rabo u guuri karo, degi karo kana shaqeysan karo.

Dhadhaab waxaa la yiraahdaa waxaa joogo 500-kun oo qof Qaxooti Soomaali ah, Qaxooti ma ahan mar dambe, maanta Qaxooti ma ahan khalaas, haddaad Soomaali tahay Kenya waa degi kartaa, maantadan qaxooti ma ahan, laga yaabee in loo baahan yahay sharci iyo wax in laga shaqeeyo, laakiin sharci ahaan Qaxooti ma ahan, waxaa ka saaray isku darka isbaheysigu wuxuu fasaxayaa qof walba 8-da waddan meeshuu rabo inuu u guuri karo, ka shaqeysan karo oo uu degi karo’,” ayuu yiri Ergayga Soomaaliya u qaabilsan Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC).

Sidoo kale, Ergayga ayaa sheegay in fursaddan ay ku timid dadaal uu sameeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo meesha ka saareysa in hadda ka dib, Soomaalida qaxooti ahaan loola dhaqmo.

Qaxooti bey ahaayeen, Qaxooti markaad tahayna waad xakameysan tahay, hadda markaan tagno Yurub meelbaa la ina dejiyaa inta aad sharci ka heleyso waa inaa halkaa joogto oo lagaa war hayaa, tana waa ka sii darneydba, marka waa faa’idso soo korodhay,”.

Dalalka xubnaha ka ah urur gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC), ayaa kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Ganacsatada Soomaalida ah ayaa hanti muuqata ku leh dalalkaas marka laga reebo Burundi.