WORLD

Kulamo Dhaxmaray Ra’iisil,wasaare Kheyre  Iyo Qaar Ka Mid Ah Madaxda Maamul Goboleedyada  Ku Sugan Magaalada Dhuusamareeb  “
WORLD

Kulamo Dhaxmaray Ra’iisil,wasaare Kheyre Iyo Qaar Ka Mid Ah Madaxda Maamul Goboleedyada Ku Sugan Magaalada Dhuusamareeb “

DHUUSAMAREEB Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hoyga uu ka degan yahay Dhuusamareeb kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland, inkastoo Madaxweynaha Puntland uu maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe, Raysilwasaaraha ayaa intii aanu LA kulmin madaxdan waxaa kulan gaar ah uu la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulankan uu hordhac u yahay kulamo gaar gaar ah oo Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo Madaxda dowlad goboleedyada, ka hor shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee todobaadka soo socda ka furmi doona. HORMUUD TELECOM ISGAARSIIN LA HUBO Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaaraha ku dhex mara, kaddib shir...
Meerta 36 aad ee Shir Madaxeedka IGAD oo Xanuunka Covid 19 Aawgii U Qabsoomaya Qaab Online Ah
WORLD

Meerta 36 aad ee Shir Madaxeedka IGAD oo Xanuunka Covid 19 Aawgii U Qabsoomaya Qaab Online Ah

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kaga qeyb galaya Meertada 36-aad ee Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD qaabka Online ka Isaga oo ka warbixiya hannaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xakameysay ugana hortagtay cudurka safmarka ah ee COVID-19, iyo saameynta xooggan ee cudurkan uu ku yeeshay dalkeenna isaga oo soo hadal qaadaya arimo ku saabsan geeddi socodka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee dalka. HORMUUD TELECOM ISGAARSIIN LA HUBO Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku wada xiriireen mareego gaar ah oo dhanka internet-ka ah (Video-conference) ayaa ku saabsanaa horumarrada laga gaaray dadaallada xal u helista colaadda dalka Suudaanta Koonfureed, qorshaha dalalka IGAD ay ku wajaheen cudurka COVID-19 iyo qodobo kale oo la xiriira arr...
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Ka Dagay Dhuusamareeb
WORLD

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Ka Dagay Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB- RadioDalsan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug. Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno kale Intaas kadib Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa loo galbiyay gudaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta uu halkaas ku sugan yahay kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka oo ku sugan halkaas. Wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka i...
illaalo Hor dhac u Ah Imaanshaha Raysilwasaare Khayre oo Dhuusamareeb Gaaray
WORLD

illaalo Hor dhac u Ah Imaanshaha Raysilwasaare Khayre oo Dhuusamareeb Gaaray

Waxaan Goordhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ka degtay diyaarad siday wafdi hordhac u ah Safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Wafdigaas ayaa isugu jira howlwadeeno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Ciidankiisa Ilaalada gaarka ah, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, iyagoo loo gabiyay gudaha Magaalada. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in gelinka dambe ee Maanta ay gaaran Magaalada Dhuusamareeb, waxaana gudaha Magaalada laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweyntiisa. Wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maalmaha soo socda furmi doona, kaasoo looga arrinsanayo hannaanka doorashada ee dalku galayo. Shirk...
Lugtii Koowaad ee Shirka Dhuusamareeb oo soo Dhamaaday
WORLD

Lugtii Koowaad ee Shirka Dhuusamareeb oo soo Dhamaaday

DHUUSAMAREEB Lugtii koowaad ee Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedyada Galmudug. Munaasabadda xiritaanka waxaa ka qeybgalay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo khudbadda xiritaanka jeediyay ayaa sheegay in wajiga labaad Shirka ay rajeynayaan ka qaybgalka Madaxda DFS oo maalmaha soo socda ku biireysa. Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in kulankaas labaad uu u dhaco sida wajiga 1-aad uu ugu soo dhamaaday bilaa muran, maadaama Madax goboleedyadu ay isla garteen qodobadii miiska lasoo dhigay. “Towfiiq iyo talo ayuu kusoo dhamaaday wajiga koowaad ee shirka,...
Wariye C/laahi cail afrax oo xalay muqdisho   Ku geeriyooday
WORLD

Wariye C/laahi cail afrax oo xalay muqdisho Ku geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho wariye Sheekh Cabdullahi Cali Afrax (Afrax Yare) isagoo muddooyinkii ugu danbeeyayay ku xanuunsanaa Muqdisho. Sheekh Cabdulaahi Cali Afrax ayaa ka mid ahaa weriyaashii ugu caansanaa Radiyo Muqdisho 80-kii ilaa 90kii. Allaha u naxarisitee Afrax Yare Wuxuu ka mid ahaa soo saarayaashii Barnaamijka Bandhiga Raadiyaha iyo falooyinkii raadiyaha ka bixi jirey, wuxuu ka soo shaqeeyay tababarna uu ku soo qaatay BBC laanta Afka Soomaaliga. Xiligii burburka wuxuu idaacadii HornAfrik ka bilaabay barnamijka diiniga ee dhaqanka islaamka oo uu soo saare iyo soo tebiye uu ka ahaa. Allah ha naxariiste marxuumka wuxuu ku dhashey magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1953dii, waxaa uu waxbarashada hoose iyo sare ku qaatay Dugsiyada ...
Diyaarad ku Burburtay  garoonka magaalada Beledweyne
WORLD

Diyaarad ku Burburtay garoonka magaalada Beledweyne

BALADWEEYNE Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegay in diyaarad nooceedu yahay kuwa xamuulka qaada ay ku soo dhacday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif. Diyaaradan ayaa la sheegay inay u kireysneyd qaramada midoobay ahna kuwa xamuulka qaad ah,lama oga qasaraha ka dhashay burburka diyaaradan. Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ayaa shalay waxaa ku da’ay roob iyadoo aysan jirin wax war ka soo bixin maamulka diyaaradaha Beledweyne.
Manchester City Ayaa Dib U Hanatay In Ay Cayaarto Champions League Markii Ay Ka Guuleeysatay Dacwadii UEFA”
WORLD

Manchester City Ayaa Dib U Hanatay In Ay Cayaarto Champions League Markii Ay Ka Guuleeysatay Dacwadii UEFA”

Ka dib markii laga joojiyay ganaaxii labada sano ee Yurub, kooxda Pep Guardiola ayaa wax walba ku ridi doontaa ku guuleysiga abaalmarinta ugu weyn qaaradda yurub Natiijadii ugu weyneyd ee xilli ciyaareedkii Manchester City kama imaanin Etihad Stadium ama xitaa Wembley, laakiin subaxnimadii Isniinta ayuu timid iyadoo xukunka laga keenay Switzerland. Naadiga ayaa awoodi doona in ay ciyaari karaan xilli ciyaareedka soo socda ee Champions League kadib ganaaxii labada sano ahaa laga qaaday UEFA Iyo maxkamada xalinta Khilaafaadka Sport (CAS).waxa ay cadeeyeen Inay si xad dhaaf ah u tabaruceen laakiin waa inay bixiyaan ganaax dhan 10 milyan euro (£ 9m / $ 11m) - oo laga dhimay € 30m (£ 25m / $ 33m) - kadib markii ay ku guuldaraysteen inay la shaqeeyaan Maamulka UEFA. Tababaraha Ci...
Aqalka Sare OO Soo  Dhoweeyay War Murtiyeedka Dhuusamareeb
WORLD

Aqalka Sare OO Soo Dhoweeyay War Murtiyeedka Dhuusamareeb

MUQDISHO- Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhoweeyay go’aankii ka soo baxay Shirkii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kaasoo dhex maray Madaxda dowlad goboleedyada. HORMUUD TELECOM WAA HOGAAMIYAHA ISGAARSIINTA SOMALIA War saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in go’aanka ka soo baxay shirkaas uu yahay mid taariikhi ah, loona arko inuu yahay guul horudhac u ah heshiis wadajir ah oo ay wada gaaraan dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, dalkana u horseedi kara nabad, degenaansho iyo horumar. Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa ammaan iyo boggaadin loogu jeediyay Madaxda iyo shacabka dowlad goboleedka Galmudug kaalinta mugga leh ee ay ka qaateen qabsoomi...
War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirka Maamul Goboleedyada Magaalada Dhuusamreeb
WORLD

War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirka Maamul Goboleedyada Magaalada Dhuusamreeb

DHUUSAMAREEB -- War murtiyeedka oo ahaa 4 qodob, waxaana qodobka ugu muhiimsan uu ahaa in dalka aanu doorasho qof iyo cod ka dhici karin, isla markaana Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada isku afgartaan doorashada ugu munaasabsan. Sidoo kale shirka waxaa loogu baaqay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dowlad goboleedyada ay isugu yimaadaan shir kale, si looga arrinsado farsamada doorasho ku qabsoomi karto  waxaana shirkaas lagu balamay inuu ka dhaco isla magaalada Dhuusamareeb WAR-MURTIYEED Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni,...