Diyaarado rakaab siday oo ay kamid tahay Daallo ayaa loo weeciyay Mombasa

Posted by

26-April-2024″ Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in dayaarado rakaab siday oo ay ka mid ahayd dayaaradda Daallo loo wareejiyey inay ku degaan Mombasa.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda diyaardaha Daallo ayaa BBC u xaqiijiyey in dayaaradooda oo rakaab badan wadday ay ku degtay Mombasa, isla markaana la filayo inay dhawaan halka ka soo duusho oo Nairobi timaado.

Roobab xoog leh oo ka da’ay magaalada Nairobi ayaa keenay in dayaaradda Daallo iyo qaar kale ay galinkii dambe ee maanta u suurto gali weyday inay ku degaan garoonka Jomo Kenyatta.