Fadeexaddii ka dhalatay jacayl dhex maray arday ka ilmo dhalay macallimadiisa oo filim laga sameeyey

Posted by

Faahfaahinta fadeexaddan ayaa banaanka u soo baxday 1996, taasoo ka dhacday gobolka Seattle ee Maraykanka.

Mary Letourneau oo ahayd macallimad iskuul oo 34 jir ah, waxna ka dhigi jirtay iskuulka hoose ee Shorewood ee magaalada Boren ayaa jacayl la wadaagtay Willie Folau oo ahaa arday 12 jir ah.

Taa waxaa ka sii daran inay uur qaadday kaasoo yimid markii uu jacaylku dhex maray iyada iyo ardaygaas ka yar.

Macallimadda waxaa xiray booliska, warkana ad buu u sii fiday, wuxuuna dhaafay wararka maxalliga ah iyo kuwa dalka isagoo u gudbay caalamka. Taa waxaa ugu wacnaa ayadoo akhbaartu ay ahayd mid qayrul caadi ah.

Mary waxay ahayd hooyo 34 jir ah oo afar carruur ah dhashay, waxaana loo arkayey inay ahayd qof shaqadeeda ka adag.

Mary Letourneau waxay mar walba ku celcelinaysay inaysan rumaysnayn in sharci darro ay tahay in ay jacayl la wadaagto ardaygeeda. Xiriirka ayaa sida gabadhaas sheegtay wuxuu ka billowday codsi ka yimid ardayga, Willie Folau.

Maamulayaashu ma aysan rumaysan waxa ay macallimaddu sheegtay waxayna dhigeen xabsiga, ayagoo ku eedeeyey kufsi. Muddo ka dib macallimaddu waxay dhashay gabar. Ilmo kale ayaa ku xigay gabadhaas, kaasoo isna ku yimid xiririkii u dhaxeeyey macallimadda iyo ardayga.

Shirkadda Netflix ayaa filim sheekaadaas laga sameeyey soo saartay, kaasoo loogu magac daray “Secrets of a scandal”, waxaanaa jilaya Julianne Moore iyo Natalie Portman. Waxaa filimkaas la sii deyn doonaa bisha Janaayo ee soo socota

Billowgii xiriirka

Mary Letourneau iyo Willie Folau waxay markii ugu horreysay kulmeen 1991. Wuxu arday ka ahaa iskuulka hoose ee Valley, wuxuuna xilligaas ahaa 8 jir. Aabihii wuxuu ahaa nin soo maray 5 guur, waxaana la dhashay Willie 17 ilmood.

Maalmihii xigay kulankoodii ugu horreeyey Mary Letourneau waxay xiriir la yeelatay Willie, waxayna sii wadday inay tacliin iyo tababar siiso.

Willie wuxuu sheegay in sheekadu ay dhab ahaantii bilaabatay 1996 markii uu 12 jir ahaa. Wuxuu sheegay in uu ina adeerkii sharad kula galay inuu hanan doono macallimadiisa, wuxuuna bilaabay macallimadiisa inuu ku tilmaamo “saaxiibadiis”.

Iyada qudheedu waraysi ay bixisay ayey ku sheegtay inay jirtay xilli ay dareentay inuu jeclaadaWillie.waxaana sida laga soo xigtay Mary ay arrintaas ku beertay cabsi.

Muddo ka dib waxay bilaabeen inay is dhaafsadaan warqado jacayl, waxaana degdeg uga dhex abuurmay jacayl, kaasoo ay ku adkaatay inay qariyaan.

Bishii Juun ee 1996 ayaa boolis Roondo ku jiray waxay ku arkeen beer lagu nasto dhaqdhaqaaq shaki geliyey o ka dhex socday gaari halkaa yaallay. Markii ay boolisku ku soo dhowaaden ayey ku dhex arkeen Willie iyo Mary.

Waxay u sheegtay booliska inay macallimad tahay, qofka la joogana u ardaygeeda yahay, wax ku jabanna aysan jirin inay wada joogaan.

Booliska ayaa labadaoodaba u kaxeeyey saldhigga, ayadoo sidoo kale loo yeeray Willie hooyadii, Vali. Waxay Vali u sheegtay booliska in isla joogidooda aysan dhib u arkin.

Tan iyo xilligaas way wada socdeen labadooda ayadoo xiriirkoodu sir u ahaa, laakinse sirtii ayaa si tartiib ah u fakatay ayadoo ay bilaabatay in la isla dhex maro in ardayga iyo macallimadiisa uu xiriir ka dhaxeeyo, macallimaduna ay uur u leedahay ardayga.

Maarkii arrintaas la xaqiijiyey ayuu Mary saygeeda isaga tegeygurigii ay ku noolaayeen, ayadoo iskuulkana la geeyey warqad cabasho ah.

1997 ayaa Mary la xiray, waxaana lagu eedeeyey inay kufsatay wiil aan qaangaarin. Maalmo ka dib xarigeeda waxaa la xaqiijiyey inay uur leed

Dood iyo dhegeysi maxkamadeed ka dib waxaa Mary la ogolaysiiyey inay dambiga qirato si xabsiga looga khafiifiyo, waxaana lagu xukumay lix bilood oo xarig ah.

3 bilood ka dib ayey dhalatay Audrey, waxaana arrintaa darted xabsiga laga sii daayey Mary, waxaana shardi looga dhigay inaysan xiriirla samayn ardayga, taasoo ay ka soo bixi weyday.

Muddo ka dib ayey boolisku arkeen labadooda oo gaari ku wada jira, wayna xireen Mary, maxkamadduna waxay mary ku xukuntay 7 sano iyo bar xabsi ah.

Intii ay xabsiga ku jirtay ayaa waxaa dhalatay gabadhoodii labaad.

Muddadii ay Mary xirnayd ayuu Willie la kaashaday hooyadii korriimada gabdhihiisa, isla muddadaasna wuxuu xiriir la yeeshay dumar kale.

Markii Mary xabsiga laga sii daayey ayey halki ka sii wadday xiriirkii ay la lahayd Willie. Markii uu qaangaaray 2005 ayey is guursadeen.

Laakinse 12 sano oo ay is qabeen ka dib ayuu Willie Folau isaga tegey Marie, xilligaasoo ahayd 2017.

Sannadkii xigay ee 2018 waxaa Mary laga helay kansarka mindhicirka, kaasoo degdeg ugu fiday, waxayna geeriyootay 2020 ayadoo xilligaas ahayd 58 jir.

Leave a Reply