,

Guur Wadareed 50 qof Loogu Sameeyey Mandheera

Posted by

Dhalinyaro gaareysa illaa 50 ruux oo isugu jira wiilal iyo gabdho ah ayaa mar kaliya maanta loo sameeyay xaflada ‘’guur Wadareed’ lagu qabtey’ magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Guurkan ayaa ujeedadiisu aheyd in lagu kaalmeeyo dhalinyarada iyo dadka kale ee doonayay in ay qoys dhistaan balse u waayay awoodii dhaqaale sida uu sheegay xildhibaan Xuseen Waytaan oo laga soo doorto bariga magaalada Mandhera.

Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay tahay mid billow ah isla markaana uu ku fulinayo ballan qaad uu sameyay markii uu musharaxa ahaa ee kursiga uu doonayay.

“Arrinta waxaan ballan qaaday markii aan ku jiray ololaha doorashada waxaan u go’aansaday ka dib markii aan arkay dad badan oo niyad jabsan oo aan awoodin in ay guursadaan, hadii qofku uu guursan waayo waxaa suurtagal ah in uu sameeyo waxyaabo badan oo aan munaasab ahyen sida fal danbiyeed iyo anshax xumo kale” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Waytaan oo BBC-da u warramay

Waxaa uu intaa ku daray in dadka markii ay codsanayeen inay qeyb ka noqdaan guur wadareedka ay jireen sharuudo laga rabay qofka oo ay ka mid tahay in uu haysto gabadhii noolasha uu kula midoobi lahaa.

“Markii uu qofku la yimaado lamaanaha noolasha ay wadaagayaan, wax walba oo reer laga rabo anaga ayaa u sameeynayna sida alaabta guriga, xaflada arooska, qurxinta gabdha iyo dhamaan shay walba oo arooska looga baahdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guur Wadareedkeen ayuu xildhibaanka laga soo doorto bariga Mandheera sheegay in qarashka ku baxay uusan ahyen mid laga soo qaaday dowladda balse uu yahay mid asagu ka bixinayo.

“Arrintaan lacagta ku baxaysa ma ahan mid dowladda laga keenay ama hay’ad ay bixinayso ee waa lacag aniga oo kaashanaya saaxiibaday aan bixinayo”.

Guurkan noocan oo kale ah ayaan ahayn mid inta badan laga sameeyo dalka Kenya inkastoo uu ku badan yahay dalalka Islaamka.

Dadka ka faa’iidaystay guur Wadareedkan laga sameeyay magaalada Mandheera ayaa waxaa ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba.

“Dad badan oo laga yaqaano Mandheera oo ah kuwa qaba baahiyaha gaarka ayaa ku jira kuwa maanta arooska loo sameeyay waana wax lagu farxo in dad muddo Dheer guur la’aan ahaa ay qoysas yagleeleen maanta” ayuu yiri.

Arooska kadib ayuu sheegay in ay ka sii warqabi maadama dadka ay yihiin kuwa dhaqaale ahaan gacan u baahan.

“Kaarar caymis caafimaad ah ayaan siin doonnaa hay’adaha ayaan u waydiin doona dhaqaale noolasha qoysaska ay ku mareeyaan arooska kadib” ayuu yiri Xildhibaan

Cabdiraxmaan Xasan Soomane oo ka mid ah dadka maanta guur wadareedka loo sameeyay oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in muddo uu reer la,aan ahaa isla markaana uu awooddi waayay in iska bixiyo qarashka uu qoys ku dhisan lahaa .

“ Waxaan ahay nin maskiin ah oo xoolihii ay abaartu ka leeysay, xaas hore oo aan guursaday ayaa iga geeriyootay, gabar la siiyay ayaan waayay lacag aan ku dhisto maanta ayaa aroos naloo sameeyay waan ku faraxsanahay” ayuu yir Cabdiraxmaan Xasan oo BBC-da la hadlay.

Waxaa uu sheegay in sababta uu xildhibanka u doortay ay ahayd markii uu ballan qaaday in uu isku guurin doono dadka aan awoodin dhaqaale ay qoysas ku dhistaan taas oo uu tilmaamay in ay ahayd mid si weyn ay baahi ugu qabeen.

Xuseen Waytaan Xildhibanka laga soo doorto bariga magaalada Mandheera waxaa uu sheegay in sanad walba u sameyn doon guurka noocan ah.

Leave a Reply