Hormuud Salaam Foundation ayaa Maalinkii 2ᵃᵃᵈ ee Mashruuca Afurinta Bisha Ramadaan, deeqo kala duwan gaarsiisay dad danyar ah

Posted by

13-March 2024

Hormuud Salaam Foundation ayaa Maalinkii 2ᵃᵃᵈ ee Mashruuca Afurinta Bisha Ramadaan, deeqo kala duwan gaarsiisay dad danyar ah ooy ku jiraan in ka badan 300 oo haween ah

Dakan danyarta ah ayaa waxaa acanta ku haya hay’adda Ururka Badqabka Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed ee SSWC ee magaalada Muqdisho

In ka badan 300 oo haween Soomaaliyeed ah oo isugu jira hooyooyin danyar ah, hablo maxaabiis ah oo ku xiran xabsiyada, iyo haween qabo baahiyaha gaarka ah, ayaa la gaarsiiyay deeqo lacago iyo raashin ah, Iyadoo Hormuud Salaam Foundation ay la kaashatay Ururka Badqabka Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed ee SSWC.

Waxaa sidoo kale maanta kaalmo lacag ah la gaarsiiyay ku dhowaad 100 danyar iyo naafo Soomaaliyeed ah, oo ay ganactada ku hayso Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ee SWDC.

Mashruucan oo aan fulinayno sannadkii 12aad oo xiriir ah ayaa deeqo taakuleyn ah ka gaarsiinaynaa ilaa 7,000 oo qof oo isgu jira bukaanno qaba xanuunada dhimirka ee ku jira isbitaallada Dr. Xabeeb iyo Lazareti, Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe, qaxootiga Yamaniyiinta, ardayda ku xareysan xarunta dhaqancelinta carruurta darbijiifka ah ee Maamo Ugaaso, ardayda dhigata iskuulka Indhoolayaasha Al-Nuur iyo iskuulka Dhagoolayaasha Gobolka Banaadir, iyo Naafada Qaranka ee Isbitaalka Martiini ee ku naafoobay dagaalkii 1977.