Madaxweynaha Xasan Sheekh oo ka qeyb galay munaasabadda maalinta Midowga Yurub

8-May-2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda maalinta Midowga Yurub ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo mowqifka cad ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada dhuleed. iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa safiirada iyo mas’uuliyiintii kale ee ka soo qeybgashay munaasabadda la wadaagay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd amni, ka xorowda argagixisada, isku filnaasho iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho dimuqraadi ah.

Leave a Reply