Soomaaliya oo ka qayb-gashay shirweynaha Midowga Afrikaa ee Bacriminta Beeraha

9- May- 2024- Nairobi

Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Beeraha ee XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo qayb ka ah wafdiga Dawlada Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Xamze Cabdi Barre oo dalka Kenya u jooga fulinta hawllo kamid ah shaqooyinka Qaranka,ayaa ka qayb galay shirweyne uu soo qaban-qaabiyay Midowga Africa oo ka dhacay xarunta Kenya ee magaalada Nairobi, kaasoo lagu lafa guray kobcinta wax soo saarka dalaga beeraha Afrika iyo horumarintiisa.

Sidoo kale waxaa labada wasiir ku weheliyay ka qayb-galka shirkan, Danjiraha JFS ee Midowga Africa iyo Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, waxaana Dawladda Soomaaliya ay madasha kusoo bandhigtay guulaha ay ka gaartay horumarinta wax-soo saarka iyo dalaga beeraha.

Shirkan intii uu socday waxaa si qota dheer loogaga hadlay muhiimada ay leedahay sidii ay beeralayda qaaradda Afrika u heli lahaayeen khuburo kharash jaban oo tayo leh, kuna xeeldheer ilaalinta caafimaadka carrada ama ciidda.

Leave a Reply