,

🌷Hormuud Telecom🎂 Ayaa Laba Todobaad Gudihiis Ku Guuleeysatay Laba Abaalmarin Oo Heer Caalami ah Africa Iyo Adduunka 🙏

Posted by

23-Nov-2023

🌷Hormuud Telecom🎂 Ayaa Laba Todobaad Gudihiis Ku Guuleeysatay Laba Abaalmarin Oo Heer Caalami ah Africa Iyo Adduunka 🙏

Maamulaha guud ee shirkadda  Hormuud Telecom Axmed Maxamuud Yuusuf oo Todobaadkii hore dalka South Africa lagu gudoonsiiyay Abaalmarinta Isgaarsiinta Africa ayaa Somaaliya ku hogaamiyay Inay uga guuleeysato Germany ,Spain, UK, Baxreyn Iyo Singapore Abaalmarinta Hoggaamiyaha Isgaarsiinta  Adduunka.

Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf, ayaa Soomaaliya guul uga soo hooyay billadda hogaamiyaha sanadka 2023 ee Abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka, oo Shirkadda Total Telcom ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ay ku abaalmariso hoggaamiyayaasha Iyo shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ku guuleystay horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda Dalalkooda.

Guddoomiye Axmed ayaa noqonaya hoggaamiyihii 25ᵃᵃᵈ ee ku guuleystay abaalmarintan oo lagu guddoonsiiyay xaflad xalay ka dhacday magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands. Hormuud Telecom ayaa ah shirkaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo ka qeybgasha tartankan oo ay ku loolamaan hoggaamiyayaasha shirkadaha ugu waaweyn isgaarsiinta caalamka.

Waxa Guddoomiye Axmed sannadkan kula tartamay, uuna uga guuleystay madaxda shirkadaha Deusrche Telecom oo dalka jarmalka ah” MasMovil oo Telecom oo Spain ah” Colt Technology Service ee Ingriiska ah” Bahrain Network Iyo Shirkada Pacific Broadband Satellite oo fadhigeedu yahay Singapore

Guddoomiye Axmed oo #HormuudTelecom ka dhigay Shirkadda isgaarsiineed ee ugu weyn Soomaaliya, ayaa todobaadkii hore dalka South Africa lagu guddiinsiiyay abaalmarinta isgaarsiinta uga wanaagsan Africa oo ay bixiso Africa Tech Festival , taas ooy Hormuud Telecom kaga adkaatay shirkadaha Orange Egypt, Vodacom ,Sasfin Bank Iyo African Bank

Waa guul taariikhi ah oo Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom uu Soomaaliya iyo isgaarsiinta Dalkeena uga soo hooyay tartanka Abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka iyo Afrika.

Leave a Reply