,

Aktarada Angelina Jolie waxay dhaleecaysay ficilada Israel ee Gaza, waxayna ku baaqday xabbad-joojin bini’aadantinimo

Posted by

2- November-2023

Aktarada Angelina Jolie waxay dhaleecaysay ficilada Israel ee Gaza, waxayna ku baaqday xabbad-joojin bini’aadantinimo Iyadoo dadka ka falceliyay qaarkood ay rumeysan yihiin in cambaaraynteeda uu dhaafsiisan yahay ficillada milatari ee Israa’iil.

Qayla-dhaanta colaadda u dhaxaysay Israa’iil iyo Falastiin, ayaa ka dhex guuxaya hoolalka ay isugu yimaadaan madaxda caalamka iyo baraha bulshada, Iyadoo cod la yaqaan oo awood leh, uu ka yimid Aktarada arimaha bani’aadamnimada ku xeesha dheer ee Angelina Jolie.

Qoraal dheer oo ay soo dhigtay barteeda Instagram-ka, Aktarada Maraykanka ah Angelina Jolie waxay si adag ugu cambaareysay Duqeymaha Israa’iil ee Gaza, waxayna ku tilmaantay “dilka” rayidka Falastiiniyiinta.mid aan wax qiil ah loo heli karin

Aktarada ayaa waxay sawirka Gaza barbardhigtay sidii xabsi kor ka furan oo maxaabiista lagu cadaabo

“Gaza waxay ahayd xabsi kor ka furan ku dhawaad ​​labaatan sano waxayna si degdeg ah isugu beddelaysaa xabaal wadareed_40 boqolkiiba dadka dhintay waa carruur ay ku dul barooranayaan qoysas aan waxba galabsan” ayay tiri aktarada oo intaas aan kaga harin hadalkeeda

“Duqeeymaha xeryaha qaxootiga Iyo diidmada gargaarka, shidaalka iyo biyaha ayaa si wadajir ah u ciqaabaya dadka_Bini’aadanku waxay dalbanayaan xabbad-joojin degdeg ah ” ayay tiri Aktarada — oo ku soo biirtay door adeeg dadweyne tobankii sano ee la soo dhaafay.

Jolie Waxa ay sidoo kale indhaheeda u jeedisay madaxda caalamka, iyadoo ku dhaleeceysay waxqabad la’aantooda, waxayna ku eedeysay inay gacan ka geysteen xadgudubyadaas, iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka hor istaagtay inay xabbad-joojin bini’aadannimo ku soo rogaan labada dhinac.

Leave a Reply