Waa maxay sababta Ciidamada Hara,macas looga soo daad,gureeyay magaalada Dhuusamareeb ?

DHUUSAMAREEB -RADIOKULMIYE

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ka tirsan Booliska soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ay goordhow ay diyaarad ka soo qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadan ayaa tiradooda waxaa ay gaaraysaa Ku dhawaad 200 oo askari, kuwaasi oo dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho oo markoodii hore laga qaaday.

HORMUUD TELECOM ISGAARSIIN LA HUBO

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii dalab uu ka yimid madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaasi shuruud ka dhigay bixitaanka ciidamada si ay kaga soo qayb gali karaan shirka magaalada Dhuusanareeb.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga madaxda maamul goboleedyada ee shirka aawgii u tagaya caasimada galmudug

Cadaadis ka yimid dhinaca beesha caalamka ayaa madaxda dowlada fadaraalka ku qasbay in ciidamada harmacas ay ka qaadaan magaalada dhuusamareeb, kadib markii joogitaan kooda loo arkay caqabad in uu ku yahay qabsoomista shirkii maamulgoboleedyada iyo dowlada dhexe ee ay martigalinayaan maamulka Galmudug.

magaalada Dhuusamareeb

Leave a Reply