Doorashada Soomaaliya: Ma ogtahay in gobolka Baay uu heysto kuraasta ugu badan ee baarlamaanka Soomaaliya

Bogga bbc,laanteeda afka somaliga ayaa lagu daabacay warbixintan oo ciwaan looga dhigay Doorashada Soomaaliya: Ma ogtahay in gobolka Baay uu heysto kuraasta ugu badan ee baarlamaanka Soomaaliya

Xeerka deegaameynta kuraasta ee uu dhawaan ansixyay golaha Shacabka ayaa markii ugu horreysay kuraasta baarlamaanka federaalka ah u qeybiyay 18-kii gobol ee ay Soomaaliya ka koobeyd kahor inta aan la ridin dowladdii kacaanka.

275-ta kursi ee Golaha Shacabka iyo 54-ta kursi ee Aqalka sare ayaa lagu soo dooran doono gobollada marka laga reebo kuraasta xubnaha matalaya gobollada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Doorashadan ayaa u dhici doonta hab ka duwan kii horay loogu soo doortay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka, kuwaasoo lagu dhisay caasimadaha dowlad goboleedyada.

Habka kuraasta loogu kala qeybiyay gobollada

1- Shabeellada Hoose waxaa la dhigay kuraasta 26 xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 3 kursi oo Aqalka sare ah.

2- Gobolka Baay, oo heysta tirada ugu badan ee xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa lagu soo dooran doonaa 29 mudane oo Golaha shacabka ah iyo 4 xildhibaan oo Aqalka Sare ah.

3- Shabeellada Dhexe waxaa laga soo dooran doonaa 20 xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 4 mudane oo Aqalka Sare ah.

4- Hiiraan ayaa heysta 18 xildhibaan oo u matali doonta Golaha shacabka iyo 4 senator oo Aqalka Sare wakiil uga noqonaya.

5- Gobolka Galgaduud wuxuu leeyahay 27 xildhibaan oo golaha shacabka ah iyo 7 mudane oo Aqalka Sare ah.

6- Gobolka Mudug ayaa lagu soo dooran doonaa 17 xildhibaan oo ku biireysa Golaha Shacabka iyo 3 senator oo ku matali doonta Aqalka Sare federaalka.

7- Gobolka Nugaal waxaa laga soo dooran doonaa 6 Mudane oo Golaha Shacabka ku mataleysa iyo 2 Aqalka sare ah.

8- Bari waa 13 kursi oo Golaha Shacabka ah iyo 4 kursi oo Aqalka Sare ah.#

9- Sanaag wuxuu leeyahay 6 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 3 Aqalka sare ah.

10- Gobolka Bakool waa 14 mudane oo Golaha Shacabka ah iyo 1 kursi Aqalka Sare ah.

11- Sool waxaa loogu talagalay 9 kursi oo Golaha Shacabka ah iyo 2 Aqalka sare ah.

12- Gedo waxaa la dhigay 17 kursi oo Golaha Shacabka iyo 3 Aqalka sare ah.

13- Jubbada Hoose waxaa laga soo dooran doonaa 19 xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 2 Aqalka sare u matali doonta.

14- Gobolka Jubbada Dhexe wuxuu helay 7 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 3 Aqalka Sare ah.

15- Awdal waxaa la dhigay 17 kursi oo Golaha Shacabka iyo 3 Aqalka Sare ah.

16- Togdheer waa 8 kursi oo Golaha Shacabka ah iyo 3 Aqalka Sare ah.

17- Waqooyi Galbeed waxaa la siiyay 15 kursi oo Golaha Shacabka ah iyo 3 kursi oo Aqalka sare ah.

HORMUUD TELCOM ISGAARSIIN LA HUBO

18- Gobolka Banaadir waxaa ku qoran 5 kursi oo Golaha shacabka ah. Hase yeeshee Aqalka sare ee Banaadir waxaa loo qoondeeyay 13 xubnood. Arrintaas waxaa ansixiyay Golaha Shacabka federaalka, laakiin waxaa kasoo horjeestay mudanayaasha Aqalka Sare

Bbcsomali.com

Leave a Reply