Author: boodhari

Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in la xiro xafiiska UNSOM
WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in la xiro xafiiska UNSOM

9- May- 2024 DFS ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in ay joojiso shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), iyadoo tixgelinaysa mudnaanta istaraatiijiyadeed ee dowladda' Warbixin Dheeho.com Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dowladdu ay ka codsaneyso in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo Howlgalka UNSOM bisha October ee 2024-ka, isla markaana aysan dowladdu mar dambe raadin doonin cusboonaysiinta mandate. Waxaan jecelnahay inaan ka mahadcelinno taageerada iyo iskaashiga ay noo fidisay UNSOM intii ay shaqeynaysay, dadaalka iyo hawl-karnimada howlgalka ayaa door muhiim ah ka qaatay horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka dalkeenna. ” ayuu wasiirka hadalkisia raaciyay. S...
Baydhabo Oo lagu soo bandhigey Xubno Ka Tirsan Argagixisada Alshabaab Ooy Gacanta ku dhigeen Maamulka K/galbeed  Somalia
WARARKA

Baydhabo Oo lagu soo bandhigey Xubno Ka Tirsan Argagixisada Alshabaab Ooy Gacanta ku dhigeen Maamulka K/galbeed Somalia

9- May- 2024- Baydhabo Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabayaashii ugu badnaa oo ka tirsan Khawaarijta, kadib howlgallo culus oo ka dhacay magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga. Saraakiisha NISA ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay soo qabteen 12 xubnood oo la xaqiijiyey inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, kuwaas oo qaabilsanaa dhinacyo kala duwan, sida dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta baada ay ka qaadaan shacabka iyo tuuridda banbooyinka xiliyada habe壯陽藥 enkii ah. Xubnaha lasoo qabtay ayaa iskula howl-geli jiray qeyb-qeyb, waxaana ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan dhamaantood, kadib howlgallo is dabajoog ahaa oo maalmaha...
Soomaaliya oo ka qayb-gashay shirweynaha Midowga Afrikaa ee Bacriminta Beeraha
WARARKA

Soomaaliya oo ka qayb-gashay shirweynaha Midowga Afrikaa ee Bacriminta Beeraha

9- May- 2024- Nairobi Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Beeraha ee XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo qayb ka ah wafdiga Dawlada Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Xamze Cabdi Barre oo dalka Kenya u jooga fulinta hawllo kamid ah shaqooyinka Qaranka,ayaa ka qayb galay shirweyne uu soo qaban-qaabiyay Midowga Africa oo ka dhacay xarunta Kenya ee magaalada Nairobi, kaasoo lagu lafa guray kobcinta wax soo saarka dalaga beeraha Afrika iyo horumarintiisa. Sidoo kale waxaa labada wasiir ku weheliyay ka qayb-galka shirkan, Danjiraha JFS ee Midowga Africa iyo Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, waxaana Dawladda Soomaaliya ay madasha kusoo bandhigtay guulaha ay ka gaartay horumarinta wax-soo saarka iyo dalaga beeraha....
Madaxweynaha Xasan Sheekh oo ka qeyb galay munaasabadda maalinta Midowga Yurub
WARARKA

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo ka qeyb galay munaasabadda maalinta Midowga Yurub

8-May-2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda maalinta Midowga Yurub ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo mowqifka cad ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada dhuleed. iyo madaxbanaanida Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa safiirada iyo mas’uuliyiintii kale ee ka soo qeybgashay munaasabadda la wadaagay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd amni, ka xorowda 犀利士 argagixisada, isku filnaasho iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho dimuqraadi ah. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1788271578972614693?t=dG0NprtQToNPQzan3KAPHw&s=19
Real Madrid Oo guul aan la rumaysan karin ka gaartay  Bayern Munich  ayaa u soo baxday finalka Champions Leaque-ga 🏆
SPORTS

Real Madrid Oo guul aan la rumaysan karin ka gaartay Bayern Munich ayaa u soo baxday finalka Champions Leaque-ga 🏆

8-May-2024 Joselu, dhab kama noqon kartid?! Super-sub wuxuu magaciisa ku qoraa sheeko-yaqaannada Champions League iyadoo Vinicius Jr dhalashadiisa lagu abaalmariyay soo laabasho goor dambe ah Weeraryahanka rugcadaaga ah ayaa ka soo kacay kursiga keydka isagoo dhaliyay labo gool oo cajiib ah, waxaana uu u diray kooxda Carlo Ancelotti garoonka Wembley. Vinicius Jr ayaa kaligiis dhabarka u rogay Bayern Munich, laakiin Joselu ayaa muujiyay geesiga Real Madrid, iyadoo ciyaaryahankii la bedelay uu dhaliyay labo gool oo soo daahay, isagoo 1-0 ku hogaaminaya, Los Blancos ayaana finalka Champions League u dirtay 4 gool. -3 wadar ahaan guul. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1788321908313767988?t=1azfX5kenurx2FeZ_Rr83A&s=19 Madrid ayaa heshay fursadaheeda, laakiin wax...
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Kenya
WARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Kenya

Nairobi, 08, May 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya, ayaa diiradda lagu saaray sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto khibradda maamulka doorashada ee guddiga. Qorshaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-qaran ayaa ah in dalkeenna laga hirgaliyo doorasho dad weyne oo xor, si bulshadda dib loogu celinayo talada, ayna u soo doortaan hoggaanka dalka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto socdaal isbeddel, uuna rajeynayo in la xoojiyo geeddi-socodka dimoqraadiyadeed, madaama dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyay, baarlmaankuna ay meel mariyeen cutubyo muhiim ah oo ay 壯陽藥 qeyb ka tahay hannaanka doorasho ee dalka, taas oo a...
Somalia” xoojinta Nidaamka Maaliyadda ayaa dardar-geliyay in laga faa’iideystay Tiknooloojiyadda casriga ah ee dhanka Canshuuraha
WARARKA

Somalia” xoojinta Nidaamka Maaliyadda ayaa dardar-geliyay in laga faa’iideystay Tiknooloojiyadda casriga ah ee dhanka Canshuuraha

Muqdisho, Abril 8,2024: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bixi Imaan Cige oo maanta shir jaar’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka warbixiyay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo horumarka laga sameeyay arrimaha dhaqaalaha iyo sare uqaadidda dakhliga gudaha dalka. Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in affartii bilood oo ugu la soo dhaafay Wasaaradda Maaliyadda ay horumar wayn ka samayay kordhinta dakhliga gudaha dalka, dib-u-habeynta dhanka sharuucda hannaanka Maaliyadda, xoojinta Nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda iyo dardar-gelinta in laga faa’iideystay Tiknooloojiyadda casriga ah ee dhanka aruurunta Canshuuraha. ” Sanadkii 2022-ka bishii January ilaa bishii Abril 2022 dakhliga ...
Nairobi ayaa waxaa maalintii labaad galay Shir madaxeedka Midowga Afrika ee Bacriminta. iyo Caafimaadka Carrad
WARARKA

Nairobi ayaa waxaa maalintii labaad galay Shir madaxeedka Midowga Afrika ee Bacriminta. iyo Caafimaadka Carrad

8-May-2024" Nairobi ayaa waxaa maalintii labaad galay Shir madaxeedka Midowga Afrika ee Bacriminta. iyo Caafimaadka Carrada. Shirka maanta waxaa ku soo biiray oo hoggaaminaya Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Afrika, halkaas oo uu Soomaaliya ku matalayo Wasiir Axmed Macallin Fiqi. Shirka oo shalay ku billowday Wasiirrada Beeraha waxaa Soomaaliya matalayay Wasiir Maxamed Xayir Maareeye. Berrito waxaa shirka lagu soo xiri doonaa fadhiga Madaxda dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.
Koox Ajnbi ah Oo Kaluumeysi Sharcidaro ah ka waday Biyaha Somalia Oo gacanta lagu dhigay
WARARKA

Koox Ajnbi ah Oo Kaluumeysi Sharcidaro ah ka waday Biyaha Somalia Oo gacanta lagu dhigay

8-May-2024 Ciidamada ammaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa howlgallo culus waxaa ay ka sameeyeen Xeebaha degaanada Maamulkaasi, waxaana ay kusoo qabqabteen shaqsiyaad isugu jira Soomaali iyo ajaanib. Howgallada oo ahaa ku qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Cutubyada Badda ee Ciidamada PMPF, waxaana howgalada intooda badan laga fuliyay guud ahaan Xeebaha Degmooyinka Puntland. Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay  Maraakiib, Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii. Gaadiidkan badeed ee ciidanku qabteen waxa ay isugu jireen kuwo sifo sharcidaro ah u kalluumaysanaayey, kuwo looga shakiyey Burcad Badeed iyo kuwo aan haybtooda la aqoon. Ciidamada ayaa intaasi ku daray in howgaladaan ay sii socon doonaan, isla markaana xeebaha maamulka Puntland si joogta ah ay kaga sii ...
Koox lasoo dageysay hub Iyo ciidanka Puntland oo ku dagaalamay Boosaaso
WARARKA

Koox lasoo dageysay hub Iyo ciidanka Puntland oo ku dagaalamay Boosaaso

8-May-2024 Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay ciidamada ammaanka Puntland iyo koox hubeysan犀利士 uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamul goboleedka Puntland. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidanka amniga ay weerar ku qaadeen koox hubeysan oo hub sharci darro ah kala soo dageysay xeebaha dhanka bari ee magaalada Boosaaso, waxaana kadib halkaasi ka qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen qof kale oo shacab ah iyo sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee Puntland. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga hubeysan ay goobta ka baxsadeen, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay waddo dowlad goboleedka ...