C/raxmaan C/shakuur; Qoraalka Villa Somalia waa mudo kororsi labis cusub loo galiyay ,”
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdirashakuur Warsame ayaa ku tilmaamay qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha mid caato ah oo boor isku qaris ah.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxa uu ku dhaliilay mowqfika madaxweyne Farmaajo eek u aadan doorashada balse waxa uu hore u soo dhoweeyay war ka soo baxay golaha wasiirada oo loogaga hadlay doorashada qaran.
Halkan hoose ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame;“Waxaa is waydiin mudan waa ayo cida uu is leeyahay Madaxweynuhu waad siri kartaa, mar haddii inta siyaasadda ku hawlan iyo inta falanqeysaba ay si fudud u fahmi karaan farriinta is burrinaysa ee baaqa ka daba tuurka ah ee Madaxtooyada’?
Madaxweyne bal iswaafaji muddo kororsi ma oggoli, laakiin 5 bil gudahood a...