Author: boodhari

Ciidamada Nabad Sugidda oo gacanta ku dhigay dhagarqabe fal dil ah qorsheynayay
WARARKA

Ciidamada Nabad Sugidda oo gacanta ku dhigay dhagarqabe fal dil ah qorsheynayay

6-May-2024- Muqdisho-Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyey isku day dil oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay ka fuli rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Ciidamada ayaa helay xogta labada dhagarqabe, kadibna waxaa lagu sameeyey dabagal inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii, waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah dhagarqabayaashii, iyadoo kii kale nolosha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah. Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay, dhaawaca kan nolosha lagu hayo iyo labo bistooladood oo ay ku hu壯陽藥 beysnaayeen, isla markaana ay qorsheynayeen inay dil ku geystaan
Ethiopia oo caddaysay in aysan aqoonsaneyn Somaliland – Kadib ..
WARARKA

Ethiopia oo caddaysay in aysan aqoonsaneyn Somaliland – Kadib ..

Dowladda Itoobiya oo wajaheysa cadadia diblumaasiyadeed oo la xiriira heshiis beenaadkii Addis Ababa ayaa dib uga joogsatay qeybo kamid ah heshiiskaasi. Itoobiya ayaa diblomaasiyiinta reer Galbeedka la wadaagtay sida ay uga go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,sida ay xaqiijiyeen illo diblumaasiyadeed. Middan ayaa ka dhigan in dowladda Itoobiya ay ku dhaqmeyso, ilaalineysana Axdiga Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah, oo ay horey u xoortay. Sidoo kale waxay xukuumadda Itoobiya si cad ugu sheegtay diblomaasiyiintan “in aanay marnaba ball壯陽藥 an-qaadin in ay aqoonsi diblomaasiyadeed siinayso maamulka Somaliland.” Itoobiya ayaa sida muuqata dib uga guratay qodobka “aqoonsi” ee ay horey u sheegtay Somaliland in...
Shir looga hadlayey Horumarinta iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka oo ka furmay  Muqdisho
WARARKA

Shir looga hadlayey Horumarinta iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka oo ka furmay Muqdisho

5-May -2024-Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan kobcinta iyo horumarinta dhaqalaha dalka, a犀利士 yaa xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay oo xasilloon. Kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo ay goobjoog ka yihiin Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka, ayaa inta uu socdo waxa ay khubaro caalami ah oo ku xeeldheer dhaqaalaha oo uu ka mid yahay Proff Stefan Dercon, oo ah khabiir dhaqaale iyo bare wax ka dhiga Jaamacadda OXFORD ee dalka Ingiriiska ku soo bandhigayaa jihada lagu gaari karo dhaqaale oo horumarsan, kana tarjumaya yoolalka mustaqbalka lagu gaarayo isku filnansho dhaqaale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay sida ay Soomaaliy...
Heyadda Hormuud Salaam Foundation ayaa safar caafimaad dalka Talyaaniga ugu dirtay dufcaddii labaad ee carruurta qabta xanuunnada wadnaha
WARARKA

Heyadda Hormuud Salaam Foundation ayaa safar caafimaad dalka Talyaaniga ugu dirtay dufcaddii labaad ee carruurta qabta xanuunnada wadnaha

5" May"2024" Muqdisho Heyadda Hormuud Salaam Foundation ayaa safar caafimaad dalka Talyaaniga ugu dirtay dufcaddii labaad ee carruurta qabta xanuunnada wadnaha. Carruurtan oo daweyn iyo qalliimo caafimaad loogu soo sameynayo isbitaal ku yaala Magaalada Milano ee Talyaaniga ayaa qeyb ka ah 119 ubad Soomaaliyeed ah oo ka duleela wadnaha, kuwaas oo wax looga qaban waayay isbitaallada Dalka. Dowladda Hoose ee Gobolka Lombardia ee Dalka Talyaaniga ayaa bixinaysa kharashaadka caafimaadka, halka hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay bixinayso kharashaadka safarka, sahayda, iyo nolosha carruurta iyo waalidiintoodaa inta ay ku sugan yihiin dalka Talyaaniga. Maamulka heyadda samaflka #HSF ayaa u mahadceliyay marwo Adna Macallin Cabdiraxmaan oo isu xilqaantay hirgelinta mashruucan oo...
Liverpool ayaa xasuuqday Tottenham,Iyadoo Chelsea ay West Ham ku garaacday Stamford Bridge⚽️
SPORTS, WARARKA

Liverpool ayaa xasuuqday Tottenham,Iyadoo Chelsea ay West Ham ku garaacday Stamford Bridge⚽️

5- May-2024 Hoos u dhaca wayn ee Tottenham ayaa sii socday iyada oo rajadii ay ka qabtay in ay afarta sare ee Premier Leaque soo gaadho ay sii sii yaraanaysay kadib markii ay Liverpool si fiican ugu garaacday Anfield. Guuldaradii Aston Villa ka soo gaadhay Brighton ayaa albaabka u furtay Spurs si ay xili danbe ugu soo baxdo Champions Leaque-ga laakiin xataa soo laabashadii soo daahay ayaa ka hortagi kari wayday guuldaradii afraad ee xidhiidhisa iyada oo Liverpool ay markale heshay qaab ciyaareed fiican kadib hoos u dhacii ugu danbeeyay. Mohamed Salah ayaa kubbad uu ka soo tuuray Cody Gakpo daqiiqadii 16 ka dib markii uu goolka furitaanka udhaliyay tababare Jurgen Klopp oo hogaanka u dhiibay kooxda West Ham, Andy Robertson ayaa daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhal...
Daawo Toos: Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo Markale maanta dhageysaneyso kiiska dacwada Saydi Cali
WARARKA

Daawo Toos: Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo Markale maanta dhageysaneyso kiiska dacwada Saydi Cali

5- Ma-2024 Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in maanta markii  labaad ay dhageysato kiiska dacwadda ah ee ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in xaaskiisa uu ku gubay magaalada Muqdisho. Maxkamadda ayaa todobaadyo ka hor la horkeenay eedeysanaha kadib markii uu rafcaan kasoo qaatay xukun dil toogasho ah oo ay ku ridday maxkamadda Gobolka Banaadir. Sayi犀利士 d-cali Macalin Daa’uud ayaa ku Eedeysan in uu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo ugu dambeyn u geeriyootay dhaawac dabkaa kasoo gaaray. https://www.youtube.com/live/RRQ_MPG3uoA?si=dGIrpEcJXbP2VYxg
Ingiriiska oo Siciid DENI kala hadlay khilaafka  Iyo Madaxweyne XASAN
WARARKA

Ingiriiska oo Siciid DENI kala hadlay khilaafka Iyo Madaxweyne XASAN

5-May-2024" Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa shaacisay qodobo xasasi ah oo looga hadlay kulan shalay magaalada Garoowe ay ku yeesheen Safiirka Ingiriiska Danjire Michael Nithavrianakis iyo Saciid Deni. Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxa uu sheegtay safaaraddu in looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya mdaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, kaasi oo hadda maraya meel xasaasi ah. Safiirka ayaa Deni ku booriyay muhiimada ay leedahay in la wada-hadlo, xilli ay wakiilada caalamiga ah ay ku cadaadinayaan labada dhinac inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xiisadda taagan. Hoos ka aqriso saddex qodob oo uu Ingiriiska sheegay in kulankaan looga hadlay; 1. Iskaashiga ama wada shaqeynta Puntland iyo UK, sidii ...
Maamulka Khaatumo oo ka hadashay ‘gantaal’ la sheegay inuu ku soo dhacay deeganadeeda
WARARKA

Maamulka Khaatumo oo ka hadashay ‘gantaal’ la sheegay inuu ku soo dhacay deeganadeeda

4-May-2024" Maamulka atumo oo ka hadashay 'gantaal' la sheegay inuu ku soo dhacay deeganadeeda Baraha Bulshada ee Soomaalida waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay hadal hayn weyn abuuray, waxaa uu yahay haraadiga walax qaraxay oo lagu arkay deegaano ka tirsan gobolka Sool ee SSC-Khaatumo. Sida uu BBC-da u xaqiijiyey Xoghayaha Warfaafinta Isgaarsinta iyo Teknoolajiyada ee SSC-Khaatumo Daahir Cabdirisaaq Axmed, in waxa ku dhacay miyiga deegaanka Kalcad oo u dhaxaysa degamada Taleex iyo Godaale uu yahay gantaal habow ah. Laakiin BBC-du si madaxbannaan uma xaqiijin karto in waxaa deegaankaas ku dhacay yahay gantaal iyo in kale. Wuxuu sheegay in dadka deegaanku u sheegeen Maamulka in xilli hore oo ooga waaberi ah ay maqleen guuxa waxa dulmaraya basle ay aamineen inuu aha...
Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Ka Baaqday Shirka Banjul Iyo R/kuxigeena Oo Ka Qaybgalaya Shirka dalalka Islaamka ee Gambia
WARARKA

Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Ka Baaqday Shirka Banjul Iyo R/kuxigeena Oo Ka Qaybgalaya Shirka dalalka Islaamka ee Gambia

4- May 2024 Banjul Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqsaday ka qayb-galka Shir Madaxeedka dalalka Islaamka oo ka dhacaya Caasimadda dalka Gambia ee Banjul, halkaas oo ay ku qulqulayaan madax kala duwan. Madaxweynaha ayaa waxaa beddalkiis baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo Soomaaliya ku metali doono shirkaasi, waxaana ka horreeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qayb-galay gogol xaarka shirweynahan. Sida uu sheegay Yuusuf Garaad Cumar oo ah Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed,  Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-galayo Shir madaxeedka dalalka Islaamka oo maanta ka furmaya ...
Daawo” Maxaa ka jira in la damaaciyay qabuuraha Iskuul Buluusiyo oo maydad badan laga soo saaray?
WARARKA

Daawo” Maxaa ka jira in la damaaciyay qabuuraha Iskuul Buluusiyo oo maydad badan laga soo saaray?

4-May-2024 Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay amar la sheegay in laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya, kaas oo dhaliyay in qaar kamid ah maydadkii ku jiray qabuurahaasi maanta ay dib usoo saaraan ehelladdooda. Maydadka lasoo saaray waxaa ku jiray Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa majaajilistayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed, kaas oo geeriyooday 2021-kii. Wiil uu dhalay marxuumka oo lagu magacaabo Maxamed Jaceelow ayaa sheegay inay ka war heleen amarkaas oo lagu sheegay in qabuuraha lagu burburinayo, kadibna ay sidaas kula soo baxeen maydka Aabahood, isaga oo sheegay inay ku aasi doonaan meel kale Annaga oo soo booqanay Aabe ayaa maalin dhexdaas imaanay qabuuraha, waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan in la baxsanaayo, sidaas aaw...